• Ururka horumarinta Kubadda Koleyga Qurbojoogta

     

Shirar kala duwan oo baryahan u socday bulshowaynta isboortiga, gaar ahaaan kubadda koleyga ee ku kala firirsan Europe , North America, iyo dalka gudahiisa , gaar ahaan asxaabta kubadda koleyga ayaa gunaanadkiisa waxaa la isku raacay in la abuuro urur ka shaqeeya horumarinta kubadda koleyga qurbajoogta , kaasi oo si ku meel gaar ah guddoomiye loogu magacaabay Aadan Cabdi Maxamed " Qardhaas" oo isagu ka tirsanaa cayaaryahannadii Xulka qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo naadigii Batroolka.

Guddoomiye Qardhaas oo aan qadka talefoonka kula xiriiray isaga oo jooga magaalada Liverpol ee dalka UK, ayaa ii sheegay in ururkan ujeedadiisa ay tahay inuu gacan ka gaysto horumarinta kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee qurbaha iyo dalka gudahiisaba, soona saaro jiil mustaqbal wanaagsan ku leh kubadda Koleyga.

Waxaa kale oo uu Guddoomiye Qardhaas intaasi ku daray in ku dhawaaqista ururkan uusan lahayn ujeeddo ka baxsan hadafka loo abuuray oo ah horumarin, waxaana ka qayb qaadan kara cid kasta oo danaynaysa in wax la horumariyo, dano gaar ahaaneed aanan wadan iyo xil doonis intaba, daacadna ka ah wax u qabad dhallaanka Soomaaliyeed ee qurbaha ku koraya iyo kuwa ku nool dalka gudahiisa.

Ugu dambayntii Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in dhawaan uu casuumaad u fidin doono bulshada kubadda koleyga meel kasta oo ay joogaan, dabadeedna halkaasi lagu dooran doono guddoomiyaha iyo xubnihii kale ee ururka sida guddoomiye ku xigeenada iyo xoghaynta ururka iyo xubnihii hawsha fulin lahaa.

Aadan Cabdi Maxamed "Qardhaas" ayaa isagu waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga,guulo badanna u soo hooyay qaranka Soomaaliyeed, waana shaqsi aqoon buuxda u leh kubadda koleyga iyo horumarinteedaba, waxaana uu haatan ka mid yahay macallimiinta waqtigooda u huray horumarinta kubadda koleyga qurbojoogta ee Manchester. Waxaana u rajaynaynaa in xilkaasi Alle ku garab galo.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca






Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line