• Guddoomiye Qardhaas oo safaro ugu ambabaxaya dibadda

     

Guddoomiyaha ku meelgaarka qurbojoogta kubadda koleyga Mudane Aadan Cabdi Maxamed (Qardhaas) oo ka tirsanaa barisamaadkii halyeeyadii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo naadigii Batroolka ,ayaa lagu wadaa inuu safarro degdeg ah ugu kicitamo meelo kala duwan oo dunida daafaheeda ah,isaga oo goobaha uu booqan doono kula kulmi doono macallimiintii iyo cayaaryahannadii barisamaadka ee kubadda koleyga iyo waliba jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibadda iyo gudaha.

Guddoomiye Qardhaas oo isagu si toos iigu warramayay boggan xiddigaha .ca ayaa ii sheegay inuu marka hore kulan balaaran la qaadan doono jaaliyadda isboortiga ee ingiriiska,waxaana ka dib uu safaro ugu ambabixi doonaa dibadda ,isaga oo safarkiisa ka bilaabi doono dalkaasi Kenya oo uu uga sii gudbi doono Soomaaliya haddii waqtigu u saamaxo, dabadeedna waxaa uu booqan doonaa wadamada Sweden iyo North Amerika , si gaar aha magaalooyinka Toronto, Atlanta iyo Minneapolis.

Guddoomiye Qardhaas ayaan isagu wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin ujeedooyinka safarkiisa,waxaase dad faro badani oo si aad ah ula socda dhaqdhaqaaqyada isboortiga Soomaaliyeed, si gaar ahna kubadda koleyga ay si aad ah uga dharagsan yihiin dhibaatooyinka baahsan ee dhex yaalla bulshadii barisamaadka ee kubadda koleyga,oo aysan dad waayo hore is jeclaa aysan hadda xiriirkoodu muddoba isku fiicnayn.

Waxaa iyaduna la saadaalinayaa guddoomiyuhu inuu bahweynta kubadda koleyga kala soo hadli doono waqtiga iyo goobta ku habboon oo ay ku wada kulmi karaan,isaga oo casuumaad gaarsiin doona dhammanba meelaha uu booqan doono.

Sidoo kale Waxaa iyaduna xusid mudan in dad badan ay u istaageen inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi ka dhex abuurmay macallimiintii iyo cayaartooydii barisamaadka hase yeeshee aysan ku guulaysan inay khilaafaadkaasi dhammeeyaan oo aysan guul weyn ka gaarin,haddaba su'aasha ay dad badani is weydiin karaan ayaa waxaaa ay tahay halyey Aadan Cabdi Maxamed (Qardhaas) muxuu ku soo kordhin karaa xaaladdan cakiran ee dhextaalla cayaartoydii barisamaadka kubadda Koleyga ? la arki doonee

Guddoomiyaha ayaa waraysigiisan kii ka horreeyay waxaa uu ku sheegay inuu ka shaqaynayo horumarinta kubadda koleyga qurbo joogta iyo dalka Soomaaliya,sidoo kalena isu keenidda walaalihii kubadda koleyga barisamaadkii, waxaana ay noqon doontaa mid taariikhda baal dahab ah ka gali doonto haddii uu ku guulaysto hadafkiisaasi.

W/D M. Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line