• Mudane Qardhaas: "Waxaa iga Go'an inaan horumariyo Kubadda koleyga"

Guddoomiyaha ku meelgaarka qurbojoogta kubadda koleyga, xiddigii xulka qaranka kubadda koleyga Somaliyeed iyo naadigii Batroolka mudane Aadan Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Qardhaas, ayaa maalmahan waxaa uu waday dadaal iyo xiriiro uu la samaynayay Macallimiintii iyo cayaartooydii hore ee qurbajoogta kubada koleyga kuwaasoo uu doonayo inay kala shaqeeyaan horumarinta kubadda koleyga Somaaliyeed oo ay tahay waajib saaran cid kasta oo ehel u ahayd kubadda koleyga Somaliyeed ha noqdeen wiilal iyo gabdho intaba.

Mudane Qardhaas oo qadka talefoonka iigu waramaayay ayaa sheegay inuu shakhsi ahaan isu xilsaaray inuu ka shaqeeyo nabadaynta iyo horumarinta kubadda koleyga, wax darajo ahna kuma rabo ,waxaana muddo dheer aan isku taxalujinayay inaan si toos iyo si dadban ula hadlo dadkii horay uga mid ahaan jiray isboortiga ee khilaafaadku kala fogeeyeen , waxaana waraysigiisa uu ku sheegay inuu ka shaqaynayo isu keenidda jaaliyadii kubada koleyga ee u soo halgamay cayaartan kubadda koleyga,kuwaaso u arkayo inay gacan weyn ka gaysan karaan in kor looga qaado heerka ay hadda joogto.

Mudane Qardhaas ayaa isagu dhinaca kale sheegay in qof kastaa oo gacan ka gaysan kara xal u helidda mushkiladda kubadda koleyga uu soo dhawaynayo oo aysan ku koobnayn dad gaar ah, waxaana uu sheegay inuu gacmo furan ku soo dhaweynayo qof kasta oo nabadda ka shaqaynaya.

Waxaa uu sidoo kale ii sheegay in dadkii ehelka u ahaan jiray cayaartan uu ku casuumayo magaalada London UK ee wadanka ingiriiska bilaha soo socda si loo soo afjaro is fahamwaaga ka jira kubadda koleyga.

Ugu dambaystii waxaa uu u soo jeediyay jaaliyadda kubadda koleyga soomaaliyeed kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwa hadeer ku dhex jiraba in la joojiyo dacaayadaha iyo wararka aan fiicnayn ee laysku dhaafsanayo websiteyaasha kaas oo sii kala fogaynaayo jaaliyadda kubadda Koleyga Soomaaliya oo ahaa kuwo magac ku leh Afrika iyo carabtaba.





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line