• Toronto Oo Ka Furmay Koobka Nabadda

Waxaa Magaalada Toronto ka furmay koobkii sannadlaha ahaa ee la magac baxay Tuesday Night Nations Cup. Koobkan oo sannadkiiba bisha Ramadanka la qabto ayaa sannadkan waxaa loogu magac daray KOOBKA NABADDA

Koobkan ayaa waxaa ku loolamaya affar kooxood oo kala ah: Xiddigaha, Amin Arts Team, Bakri Media iyo Horseed.

Furitaankii tartankan oo ay kasoo qeybgaleen dadweyn aad u tiro badan ayaa waxaa furay xiddigihii hore ee kooxda Waxool Cabdi Aadan.

Xiddigaha iyo Horseed oo 6-6 isla dhaafi waayey

Ciyaarta 1aad ee tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Xiddigaha iyo Horseed. Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay ku bilaabantay weerar iyo weerar welin aad u xoogan.

Bilowgii ciyaartaba waxaa gool lagaga naxsaday Horseed. Wax xogaa markii ay ciyaarta socotay ayaa ciyaartooyda Horseed ay iska soo gudeen goolkaasi.

Intaa markii ay sheekada mareysay ayaa kooxda Xiddigaha ay weerar aan kala go' lahayn ku qadeen goolka Horseed. Gabagabadii ciyaarta markii ay ka harsaneyd 5 daqiiqo oo keliya Xiddigaha ayaa 6-3 ku hogaamineysay.

Wax badso wax beel bay leedahay!: Difaaca Xiddigaha ayaa iyagoo leh 3 gool oo dheeri ah, ayaa intii ay difaacan lahayeen goolkoodi isku dayayay iney iyaguna gool soo dhaliyaan, iyagoo goolkoodi cidleeyay.

Haddaba ciyaartooyda Horseed oo ka faa'iideysatay qaladkan ay sameyeen difaaca iyo weiba gool hayaha oo isaguna dhowr qalda sameeyay ayaa u suurtogashay iney 5 daqiiqo gudadeeda ku dhaliyaan 3 gool sidaan ay ciyaarta ku dhamaato 6-6.

Ciyaari Waa Galin Dambe

Kullankii labaad ee ciyaartan ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Amin Arts iyo Bakin Media.

10kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta ayaa kooxda Bakin Media ay halkaasi ka dhalisay 3 gool oo daran doori ah.

Dhamadkii ciyaarta markii ay ka harsandy 6 daqiiqo oo kaliya ayaa Bakin Media waxay ku hogaamineysay 4-1.

Taagereyaasha kooxdan ayaa bilaabay iney u dabaad degaan guusha, iyagoo weliba filayay in kooxooda ay goolal kala hakaasi ka dhalin doonaan.

Abaan duulaha kooxda Amin Arts Faris ayaa arrinta ka biyo diiday, isagoo hallkaasi si la yaab leh 3 gool oo is xigta kooxdiisa ugu dhaliyay. Daqiiqadii ugu dambeysay ayaa haddana goolkii 5aad uu sigay.

Ciyaartan ayaa 4-4 lagu kala saxuur doontay.

Waayo Aragnimo La'aney Ba: Qaar ka mid ah ciyaartooyda Bakin Media ayaa u muuqday kuwo ay iyagu ku yar tahay qibradda ciyaarta Indoorka waayo markii ay ciyaarta mareysay 4-1, ayaa halkii ay isku dayi lahayeen iney kubadda ceshtaan inta badan ay bilabeen iney de dejiyaan, iyagoo ku dayday kooxda Amin Arts oo ku qasbanayd iney ciyaraato kubad deg deg ah si ay ugu faa'idestaan daqiiqadaha yar ee harsan.


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line