• Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Kolayga oo xilka laga qaaday

Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Kolayga oo xilka laga qaaday

Naadiyada xiriirka Soomaaliyeed kubada kolayga ayaa maanta kulan ay xilka uga qaadayaan Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale ku yeeshay Magalaada Muqdisho.

Naadiyada ayaa ugu horayn su'aalo waydiiyay kaaliyaha xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale oo xiriirka masuul uga ahaa kulanka Naadiyaada, waxayna waydiiyeen sababaha uu xogahayaha dalka u imaan waayay mudada lixdanka cisho ahayd oo ay u qabteen.

Baasaale ayaa kooxaha u sheegay in aysan wax jawaab ah kahayn xoghayaha XSKk iyadoo 25 cisho oo dheeri ah ugu daray mudadii horay loogu qabtay

Naadiyada ayaa kadib ugudo galay dood ku aadan go'aanka ay ka qaadanayaan xogahayaha waxayna ugu dambayn isla garteen in cod loo qaado in uu xoghayaha shii shaqayn karo iyo in xil ka qaadis lagusameeyo, waxaana kulanka ku sugnaa 12 Naadi iyadoo hal naadi ay ka maqnayd oo cudur daar soo gudbisay , naadiyada xiriirka u diiwangashan ay ahaayeen 13 kooxood.

Marki ay codaynta soo gebagabowday waxaa bahda Saxaafada lahadlay Maxamed Ibraahin Cabdi oo ay Naadiyada u doorteen guddoomiyaha naadiyada XSKK isla markaana shir guddoominanay kulankan , waxuuna sheegay in 10 naadi ay u codeeyeen in xilka laga qado xogahayaha XSKK , hal Naadi ayaa diiday hal naadina way ka aamustay xilka qaadistana ay ansax tahay maadaama ay 10 naadi u codeeyeen in xilka laga qaado xogahayaha , naadiyaduna ay x aq u leeyihiin in la xisaabtamaan masuul kasta oo katirsan Guddiga Fulinta XSKK maadaama Naadiyada ay doorteen.

Maxamed Ibraahin ayaa intaa kudaray in sababta ay xogahayaha Xilka uga qaadeen ay tahay in uu u hogaansami waayay dalabkii ay 25 Febraayo naadiyada ku dalbadeen in uu dalka yimaado si uu xisaab celiun u samaayo.

Naadiyada kubadda kolayga ayaa xogahayaha XSKK Sacii Faarx Ducaale xilka u doortay 26 may 2013 iyadoo maanta oo taariikdu tahay 21 May ay xilka ka qaadeen lama oga cida badali doonta xoghayaha balse waxaa ku- sime ka ahaan doona kaaliyaha Xogahayaha inta uu laga soo magacaabayo xoghayae Cusub.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line