• Milano: Garoon Loogu Magac Daray Samiya

Garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo kuyaala Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa loogu magac daray Samia Yusuf Omar.
Samiya  oo Soomaaliya u matashay cayaarihii Olympic-ada ee ka dhacay Beijing sanadkii 2008 iyo London 2012, ayaa ku dhimatay badda bishii April ee sannadkii 2012,  iyadoo isku dayaysa in ay dhinaca Libya kaga soo talaabto Talyaaniga.(Tahriib).


Haddaba sababta Samiya loogu magac daray garoonkan  ayaan wareysi qadka telefoonka ah kula yeelanay Ismaaciil Maxamed Cumar Diyeeshe oo Milano jooga islamarkaasina garoonkan Samiya loogu magac daray ay ku ciyaarto kooxdiisa Crc TIFAS.


Ismaciil ayaa inoo sheegay in Buug uu qoray Giuseppe Catozzella  oo ku saabsanaa nolosha iyo Taariikhda Samiya , ay sabab u noqday in garoonkani loogu magac daro.

Buugan oo la magac baxay  Non dirmi che hai paura  (Ha i oran waan baqayaa) ayaa noqday

mid si weyn looga iibsaday dalka Talyaaniga.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line