• Ottawa Stars & Hilac oo Final isugu soo haray

Waxaa ciyaartii kamadambeyta "Final" ee tartankii Today Somali Week Toronto isugu soo haray kooxaha Hilac iyo Ottawa.

Ottawa Stars ayaa ciyaartii semi-finalka la yeelatay kooxda Dixon Fc. Labadan kooxood ayaa daqiiqadihii ciyarta loogu talo galay isla dhaafi waayey 1-1. Intaa kadib labadan kooxood ayaa loo dhigay Rigooreyaal (penalties) waxayna guusha ku raacday Ottawa.

Sidoo kale Hilac ayaa ciyaartii semi-finalka Seif kaga badsiay Rigooreyaal kadib markii ay isla dhaafi wayeen 0-0 daqiiqadihii ciyaarta loogu talo galay.

Ciyaarta finalka ayaa waxay ka dhici doontaa garoonka Earlscourt ee ku yaalo 1369 St. Clair W. (St.Clair/Caledonia).

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line