• Shakhtar Oo Ku Guuleysatay UEFA Cup 2009

ISTANBUL, May 20, 2009. Koobkii ugu dambeeyay ee Uefa Cup ayaa waxaa la hooyatay kooxda Shakhtar Donetsk ee reer Ukrain. Koobkan ayaa laga bilaabo sannadka soo socda laga beddeli doonaa magaca iyadoo loo bixin doono Europa League.

Kooxda Shakhtar ayaa iyadu nasiib u yeelatay iney noqoto kooxdii ugu horeysay ee waddanka Ukrain oo ku guuleysta koob Yurub.

Ciyaartan finalka oo ka dhacday magaalada Istanbul ayaa kooxda Shakhtar iyo Werder Brema ay soo bandhigeen ciyaar aad u raali gelisay dadweynihii u soo daawasho tagay ciyaarta,

Sagaashannkii daqiiqo (90 min.) ee ciyaarta loogu talo galay ayaa labadan kooxood isla dhaafi waayey 1-1. Goolashan ayaa labada kooxood waxaa u kala dhaliyeen Luiz Adriano iyo Naldo oo labaduba ka soo jeeda waddanka Brazil

Sida sharciga qabo ayaa garsooraha ciyaarta wuxuu labadan kooxood ugu daryaa 30 daqiiqo oo dheeri ah. Daqiiqadahan dheeriga ah ayaa waxaa ka faa-iideysatay kooxda Shakhtar iyadoo halkaasi ka dhalisay goolkeedi labaad. Goolkan ayaa waxaa kooxda u saxiixay Jadson oo isaguna Brazil u dhashay.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxay 2-1 guusha ku raacday Shakhtar oo Uefa cup 2009 la hooyday.

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line