• AABE KU DAYASHO MUDAN

Sharmarka Ducaale iyo labadiisa caruur Shire iyo Maxamed

Waxaa magaalada Toronto si xiiso leh uga socdaa horyaalka 3aad ee Afro-Canadian. Tartankani oo wareegiisa kowaad gabagabo ku dhow ayaa waxaa ciyaartii shalay dhacday ay kooxaha u kala badiyeen sida tan:

U10 (Caruurta ay da'dooda ka yar tahay 10 jir) Kooxaha Dixon iyo Semcey ayaa isla dhaafi waayey 0-0. Dhanka kale Hilac ayaa iyaduna 1-0 ku dharbaaxday Horseed

U12 (Caruurta ay da'dooda ka yar tahay 12 jir) Semcey ayaa 2-0 kaga guuleysatay Dixon. Halka Horseed ay iyaduna 1-0 ku kala dirtay Hilac.

U14 (Caruurta ay da'dooda ka yar tahay 14 jir) Kooxaha Horseed iyo Hilac ayaa iyagu 0-0 ku kala hooyday.

Semcay oo aad moodo in tartanka U14 ay kooxaha kale wax xogaa dheer tahay ayaa iyadu 5-0 ku quusisay Dixon.

Kullamadan oo dhan ayaa waxaa garsoore iyo calan wadeyaal ka ahaa Sharmarke Ducaale iyo labadiisa caruur oo kala ah Shire iyo Maxamed.

Aabe Sharamarka oo hore usoo qaatay shahaadada garsoorenimada ayaa labadiisa caruur ku dhiiri geliyay iney iyaguna soo qataan shahaadada.

Shire iyo Maxamed oo talada Aabahooda si weyn ula dhacay ayaa labaduba ku guuleystay iney qataan shahaadada garsoorenimada, sidaana haddeer ay ugu suuragashay iney seddaxdooduba garsoore noqdaan.

Aabe Sharmarka waxaan ku leenahay Hambalyo waxaadna mudan tahay ku dayasho

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@Xiddigaha.ca

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line