• Baarjab, Axmed Daahir iyo Axmed Muuse oo xilkii laga qaaday

Waxaa Maanta magaalada muqdisho ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Xiriirka kubadad kolayga Somaliyeed, Xubnaha Xiriirka iyo kooxaha kubadda kolayga, waxaana shir gudoominayay guddoomiyaha XSKK Cabadulaahi Nuur Maxamed Cadaani.

Kaaliyaha Xoghayaha XSKK Cabdulle Axmed oo ugu horayn ka hadlay shirka ayaa sheegay ujeedka uu shirka u qabtay uu yahay in kooxaha looga warbixiyo safarkii gudoomiyaha ee shirka FIBA, ciyaarihii ka dhacay Yugaandha ee Zone 5 iyo qorshaha Xiriirka sanadka 2015.

Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali oo ka hadlay shirka ayaa ka warbixiyay waxqabadkii xiriirka ee dhanka tartamada horyaaladii heerka koowaad iyo labaad ee dalka, waxuuna sheegay in ay tartamada si wanaasgan ay ugu qabsoomeen.

Guddoomiyaha XSKK Cabdulaahi Nuur Maxamed Cadaani oo shirka ka hadlay ayaa kooxaha uga warbixiyay shirkii FIBA ee dalka Spain uu xiriika ka qayb galay , waxuuna gudoomiyaha sheegay in ay madaxdii la doortay ay u ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan horumarinta
xiriirka oo ay ugu horayso dib u dhiska garoomada.

Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale ka warbxiyay ciyaarihii Zone 5 oo ay soomaaliya ka qayb gashay, iyadoo guddoomiya sheegay in xiriirka uusan ku qancin bandhigii Xulka ee ciyaaraha. iyadoo xulka laga adkaaday dhamaan kulamdii ay ciyaareen. waxuuna sheegay in xiriirka uu xilka ka qaaday Macalimiintii hogaaminasay Xulka Cumar Cbaduqaadir Baarajab iyo Axmed Daahir iyo Madaxii Xulka qaranka Axmed Muuse, waxuuna guddoomiyaha sheegay in ay Macalimiin cusub soo magacaabdi doonaan.

Dhanka kale guddoomiya cadaani ayaa sheegay in asyan jiri doonin ciyaaryahan laga soo xuli doono dalka dibadiisa ,waxuuna ciyaartooyda danaynasa in ay difaacaan calankooda ugu baaqay ay dalka yimaaadaan. xiriirkana uu taas ka shaqayn doono. iyadoo Macaliinta hogaamiya kooxaha dalka uu gudoomiyaha ugu baaqay in soo saaraan ciyaartoy tayo
leh oo xulka matali karta.

kooxaha kubadda kolayga oo shirka sugnaa ayaa loo qaybiyay dastuur qabyo ah kaasoo xiriirka qorshaynayo in dhamaysiri doono dhawaan.

Xiriirka kubadda kolayga ayaa soo bandhigay qorshaha xiriirka ee 2015, waxuuna xiriirka sheegay in la qaban doono tartamadii joogtada ahaa ee koobka Genaral Daa'uud iyo horyaalada heerka koowaad iyo labaad, waxaa kaloo sanadka 2015 qorshaha xiriirka kujira tartanka
kubadda kolayga degmooyinka gobolka Banaadir iyo ciyaaro lagu soo nooleynayo kubada kolayga gabdhaha oo ay ka qayb qaadan doonaan lix kooxood

Talaabda uu xiriirka qaaday ayaa imaanaysa xili ay xulka Soomaaliya guul darooyin ay kasoo gaareen ciyaarihii Zone 5 oo loogu soo baxayay

Afrobasketball, iaydoo xiriirka soomaaliyeed ee kubada kolayga juu ka mid yahay xiriirada taariikh wanaasgan ku leh ciyaaraha dalka.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line