• Sharkey Cup 2013

Waxaa Magaalada Toronto ka furmay tartankii todobaadka Somalida ee kubadda koleyga. Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay uruka ILAMOS oo ay hogaaminayeen Macallim Bruno, Xaaji Axmed Abukar "Axmadey B", Da'uud Dheere, Farax Oday, Xassan Tuke iyo qaar kale.

Koobka todobaadka Somalida ee sannadkan ayaa waxaa loogu magac daray allaha u naxarariistee Nuur Cabdi Xaaji (Nuur Shaarkeey) oo ka mid ahaa kooxda Horseed iyo xulka qaranka kubadda cagta Somalia.

Haddaba Sharkey Cup 2013 ayaa waxaa ka soo qeybgalay 6 kooxood iyadoo loo qeybiyay 2 qeybood ( Group A & Group B)

Ciyaartii furitaanka ayaa waxaa isaga hory yimid kooxda Fort McMurray ee uu hogaaminayey tababare Da'uud Dheere iyo kooxda Scali's.

Gabagabadii ciyaarta ayaa 68-58 ay guusha ku raacday Scali's.

Kulankii labaad ayaa waxaa foodda is daray kooxda Banadir iyo Sosca. Wixii hadba koox la weerare ugu dambeyntii Banadir ayaa 47-27 ay ugu awood sheegatay Sosca.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line