• Kulan lagu midaynayo bahweynta Sport ga Manchester oo ka dhacay magaaladaas.

Waxaa magaalada Manchester ee dalka ingiriiska ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen dhamaan bahweynta isboortiga magaalada Manchester ayna uga arinsanayeen hawlaha horyaala iyo sidii ay uga midoobi lahaayeen khilaafaadka yaryar.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid aay kasoo qeeyb galeen madaxdii hore ee dalka Somalia, ciyaartooydi hore ee dalka Somalia, macalimiinta hada ka shaqeeya horumarinta isboortiga Manchester iyo waxgaradka magaalada Manchester. Waxaa kaloo kulankan ka soo qaybgalay TVga soomaalida ee laga leeyahay magaalada Manchester ee SOMALI SAT.

kulankan ayaa ahaa mid lagaga wada wahadlayey horumarinta iyo wadashaqaynta isboortiga magaalada manchester iyo waliba ka hortaga burburka iyo kala qeeybinta isboortiska Soomaalida guud ahaantiis, gaar ahaana magaaladan Manchester oo ay ku nool yihiin shacab badan oo soomaaliyeed oo u baahan wadajirka dadka ka shaqeeya isboortiska.

shirkan ayaa wuxuu ku soo beegmay wakhti ay bulshada isboortiska jacel ee magaalada Manchester ay isu diyaarinayeen tartankii cayaaraha dhalinta cuslaatay ee magaalada Manchester iyo waliba tartankii cayaaraha caruurta ee isna lagu qabto magaalda Manchester oo kala dhici doona xiliyo aan aad u kala fogayn.
 
Hadaba shirkan bahweynta isboortiska magaalada manhcester ay isugu yimaadeen ayaa waxaa furay duqa isboortiska magaalada manchester shariif Zeyno oo aad u soo dhaweeyey shirkan iyo ulajeedooyinkiisaba kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan wadajirka, kadib waxaa goobta ka hadlay kornayl 007 (Mahamed Ismail) iyo ciyaartoydii hore ee dalka soomaaliya ka ciyaari jirtay sida Ahmed Sheego Bishaaro, Kabtan Biikey iyo Nuunow Sujac oo dhamaantood soo dhaweeyey wadajirka iyo wadashaqaynta bahweynta isboortiska ee Manchester una balanqaadeen in ay intii kalaankooda ah ka caawin doonaan sidii la isugu hayn lahaa dadka isboortiska ka shaqeeya ee magaalada.
waxaa iyana goobta ka hadlay macalimiinta ku hawlan horumarinta isboortiska magaalada Manchester sida Mahamed Xabiib, Kabtan iidow, Mahamud Ingiriis, Mahamed Salim, Macalin Farah, Hassan Djibouti, Mahamed Afey iyo Fuad Ahmed oo iyaguna goobta ka sheegay in ay diyaar u yihiin u shaqaynta caruurta yaryar ee soomaaliyeed ayna u baahan yihiin odayaal haga oo si wadajira ah ugu heelan hogaanka magaalada, waxaa kaloo isna madasha ka hadlay Abdinasir Geelle oo ah wiil soomaaliyeed oo isagu ah football agency daganna magaaladan Manchester.

khadka telefoonka waxaa iyana si toos ah kaga soo qayb galay shirkan oadayaashii deganaa magaalada oo ay ka mid ahaayeen Macalin Laas, Xusseen xuski iyo gudoomiye Abdi Kuus oo iyaku hada aan ku sugnayn magaalada Manchester balse iyakuna dhinacooda sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida fiican ee isboortiska magaalda Manchester ay isu abaabulayaan ugana shaqaynayaan midnimadooda.

Ugu danbayntii ayaa shirkan taariikh galka ah ayaa waxaa ka soo baxay baaq ay bahda isboortiska magaalada Manchester u dirayeen dhamaan bahda isboortiska soomaliyeed ee UK kaasoo ay ugu caddaynayeen in ay bahda isboortiska Manchester ka midaysan yihiin ka shaqaynta iyo horumarinta isboortiska magaalada Manchester ayna walaalahooda kale ee ku dhaqan dalkan u rajaynayaan in ay raacaan jidkaas ay fureen kana midoobaan wixii khilaafaad ah oo dhexdooda ku jira ka dibna hal meel looga soo jeesto horumarinta isboortiska dalkeena.

Si kasta ha haatee baaqan ayaa waxaa saxeexay inka badan 200 oo qof oo ku dhaqan magaalada Manchester oo ka mid ah bulshada jacel isboortiska soomaalida waxaayna ku cadeeyeen in ay si wada jir ah uga hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay dhibaatayso horusocodka iyo midnimada bahweynta isboortiska ee magaaladan ayakoo sidoo kalena ugu baaqay cid kasta oo ka shaqaynaysa horumarinta isboortiska dhalinyarada soomaaliyeed in ay soo dhawaynayaan wada shaqayntooda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan madaxda ururada ka jira magaalada ee ka shaqeeya isboortiska kuwooda ku sugan xiligan magaalada, macalimiinta kooxaha, odayaasha isboortiska jecel ahna duqayda magaalada,cayaartoydii hore ee Somalia iyo dhalinyarada ka cuslaatay cayaaraha kana midka ah bahweynta isboortiska waxaana uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Axmed Sheegow iyo Fuad Axmed.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line