• Laacaibkii iyo tababarihii hore xulka qaranka k/k Shiikha oo si kalgacal leh loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Macalimuu shiikha oo ahaa Laacib heer Caalami Sidoo kalena ahaa Mucjisadii kubadda Koleya Dalkeena ayaa soo dhawayntiisa loo kala harin waxaana qayb wayn ka qaatay Guddiga Olombikada soomaaliyeed xubno kamid ah , Xiriirka Soomaliyeed kubadda koleyga cayaartoydii hore Ee kubadda koleyga iyo cayaartoydii Qaybaha kala gedisan oo isboortiga soomaaliyeed horey ugu soo cayaartay Taageerayaashii uu kulahaa Magaalada Caasimada ah ayaa iyana kamid ahaa.

Xafladii lagu soo dhawaynayay oo kadhacaday garoonka Kubadda koleyga Wiish Stadiom oo horey loo oran jiray Ex Luujino dadkii kahadlay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyed ee kubadda koleyga Cabdulaahi Nuur maxmaed “Cadaani” oo sheegay in ay sharaf u tahay in ay soo dhaweeyaan shaqsi umadda soomaaliyeed qaali ku ah .

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Cabduqaadir Xaaji Daahir “Shiiha oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan oo wada jir ah oo ay usoo dhaweeyen mdaxda xiriirada iyobahwaynta isboortiga soomaaliyeed waxuuna qalab isugu jira kubado iyo qalab kale oo dhanka kubada koleya gudoonsiiyay gudoomiyaha xiriika kubadda koleyga

Dhanka kale shiikha ayaa kahdlay go’aabka garoonka magaca loogu badalay Aadan xaajinyabarow wiish

Waxuuna sheegay in uu mudan yahay waana nin ormarka isboortiga soomaaliyeed qayb wayn kaqaataan

Soo dhawaynta ayaa shiikha ayaa noqonaysa tii ugu sareysa oo loo sameeyay cayaaryahan ama macalin soo maray xulka qaranka dalekeena

Xuseen maxamed hadafow

hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line