• Dr. Socrates oo geeriyooday

     

Waxaa maanta magaalada Sao Paolo ee dalka Brasil ku geeriyooday Dr. Socrates cayaaryahaankii caanka ahaa ee xulka Brasil uguna ciyaari jiray khadka dhexe. Geerida Dr. Socrates ayaa la sheegay iney sabab ugu eheyd khamriga oo si xad dhaaf ah u cabi jiray. Jimcihii marka isbitaalka loo qaadayi ayaa xaaskiisa sheegtay inuu u baahan yahay in beerka laga bedelo. Dr. Socrates ayaa wuxuu ku can ahaa nin u dooda dadka danta yar dhibaatooyinkoodi taasi oo u arki jiray iney tahay mid xaq ah oo caadil ah. Wuxuu ahaa ciyaartoyga keliya oo ka soo horjeestay dawladiisa kana codsady iney dulunka ka daayso umadda kana bixisa gaajada iyo fakhriga. Dr. Socrates wuxuu doorbiday waxbarashadiisa marka hore markii uu ka qalan jibiyay Kuliyada caafimaadka sanadka markuu aha 1979 wuxuuna kuna takhasusay caruurta “Pediatric”  markaas ka dib ku soo biiray kubada cagta isagoo 24 jir ah. Wuxuuna ku guuleystay isagoo wada sita sifooyinka kala ah Hogaamiye, Abaabul, Xirfad, Aqoontiisa iyo isagoo mar walba caawiya dadka dulman oo u dooda xaqooda.

Dhirikiisa wuxuu  ahaa 1.92m garoonka markuu ku jira wuxuu ahaa laacibka sameeya wax kasta oo maskaxdiisa soo gasha, wuxuu ahaa cayaartoyga arki kara sida ay u wada socdaan cayaartoyada. wuxuu ahaa kabtan ay wada jecel yihiin ciyaartooyda

Wuxuu aaminsanaa iney hogaan u yihiin ama uu ku dayo jiray Fidel Castro madaxweynaha dalka Cuba, halyeygii Jivara, John Lenon heesaagii kooxda Beatles.

W/D Mohamed Ali Shiikhey




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line