• Somali Youth Festival Oo Guul Ku Dhamaaday

     

 

Waxaa Sabtidii ay taariikhdu ahayd September 1, 2012 ka dhacay magaaladda Toronto ee dalkaasi Canada ONE DAY TOURNAMENT oo lagu soo gabagabeeyey horyaalkii labaad amase CHAMPIONSHIP & WINNERS CUP ee sannadka 2012 ee afarta naadi ee kala ah Hamilton Lions, Horseed SC, Hilac SC iyo Dixon FC oo dhammaantood ku midoobay AFRO-CAN SC.

Naadiyadan ayaa waxay ka koobnaayeen min 5 koox oo ay da'deedu u dhaxayso 5 jir - 17 jir oo kala ahaa U9, U11, U13, U15, U17 iyo waliba kuwa ka weyn 17 jir. Horyaalkan la soo gabagabeeyey ayaa wuxuu socday intii u dhaxaysay May 2012 ilaa August 2012 oo ay afarta naadi isku arkeen wareegii hore iyo wareegii labaad. Maalintii Sabtidu waxay ahayd maalin gashay taariikhda qoysaska iyo caruurta Soomaalidda magaaladda Toronto oo caruur kor u dhaafay 600 ay isugu yimaadeen hal meel si u wada ciyaaraan. Waxaa joogay waalidiinta caruurta iyo dadweyne badan oo ka soo qaybgalay. Munaasabaddan ayaa lagu qabtay lixda garoon ee SUMMERLEA PARK.

Waxaa xusid mudan in BBQ iyo cunto macaan uu halkaasi caruurta iyo ka soo qaybgalayaashii uu ka haqab tiray Mr. Gacal oo had iyo jeer garab taagan wax u qabashadda caruurta yaryar ee Soomaalidda.

Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xiritaankii iyo bixintii koobabka akhyaar badan oo isboortiga jecel iyo siyaasiyiin ka socday waddankani Canada, sida Yusuf Shaqaaq, Moallim Khaliif, Haji, Shukri Dhalbaas ( Ex Muqdishu), kamaal Cheef, Muse Dhiblawe, Xasan Cawle,iyo Cade. Waxaa aad iyo u mahadsan oo la'aan ay adkaan lahayd TOURNAMENT gan REFREE yaddii ciyaaraha iyo ragii isku soo duba riday oo uu hogaaminayey Mohmed Tuke, Ali qaluub, iyo Abdirizaq Saciid Aden, iyo Ahmed Duale.

Superintendent Mark Saunders oo ka socday Division 12 ayaa guubaabiyey caruurta una sheegay inay la soo xiriiraan haddii ay doonayaa macluumaad ku saabsan inay ka mid noqdaan booliiska mustaqbalka soo socda. Dr. Mohamed Qaadiri ayaa isagu wuxuu afarta naadi siiyey shahaado sharafyo ka yimid xafiiska wiikiisa MPP Etobicoke North Dr. Shafiq Qaadiri; waxaa sidoo kale guubaabo iyo hambalyo halkaas ka soo jeediyey MPP York South-Weston Laura Albanese iyo Donna H. Cansfield, MPP Etobicoke Centre.

Waxaa xusid mudan qudbaddii iyo tallooyinkii uu halkaas ka soo jeediyey Principal Ali Abdi (Ali Farey) oo mahad badan u soo jeediyey VOLUNTEERS kii hawshan u dhabar adaygay iyo waxa laga filanayo waalidiinta caruurta mustaqbalka soo socda.

Sida loogu kala guuleystay 2012 CHAMPIONSHIP:

•Under 9 : 2012 CHAMPIONSHIP - Dixon FC
•Under 11: 2012 CHAMPIONSHIP - Hilac SC
•Under 13: 2012 CHAMPIONSHIP - Hamilton Lions
•Under 15: 2012 CHAMPIONSHIP - Hilac SC
•Under 17: 2012 CHAMPIONSHIP - Hamilton SC

Sida loogu kala guuleystay 2012 WINNERS CUP:

•Under 9 : 2012 WINNERS CUP - Hilac SC
•Under 11: 2012 WINNERS CUP - Dixon FC & Hamilton Lions
•Under 13: 2012 WINNERS CUP - Horseed SC
•Under 15: 2012 WINNERS CUP - Dixon FC
•Under 17: 2012 WINNERS CUP - Dixon FC

Akhristayaal wixii halkaas ka dhacay wax laga sheekeyn karo ma ahan balse si fiican u daawo sawiradda iyo Video ga ay isku soo duba rideen Mohamed Busuri iyo Ganey oo ka tirsan website ka www.xiddigaha.ca iyo Journalka Somali Canadian Times. Waxaa mudnaan leh xiriiriyihii barnaamijka abaalmarinta Mr. Abdirahman Suleyman Dafle oo ahaa weriyahii TV ga Soomaalidda ee barisamaadkii iyo waliba barnaamijkii isboortiga ee ka bixi jiray. Waxaa mahad iyo xusid gaar ah mudan waalidiinta caruurtooda siiyey fursad ay ugaga mid noqdaan naadiyaddan ay gacanta ku hayaan COACHES leh xirfad duruksan inta badana ka mid ahaa ciyaartooydii Qaranka Soomaaliyeed oo go'aansaday inay xirfadooda u gudbiyaan caruurtan.

Waxaa mar dhow bilaaban doona horyaalkii qaboobaha ee 2012-2013 AFRO-CANADIAN SC; filo jadwalka ciyaaraha goor dhow.

Waxaan halkan mahad ugu diraynaa Istar Restuarant & Coffee iyo Baraka Restuarant.

U sara kaca badbaadadda caruurtiina.

Goor dhow filo Sawiradii Ciyaartan

Waxaa Diyaariyey: Abdimalik A.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line