• Wasiirka Sportiga Oo Kullan La Yeeshay Bashir Goobe & A. Nur Abdulle

NAIROBI-Wasiirka Sports Dowlada Somalia Suleyman Colaad Rooble ayaa kulan qado ah wuxuu Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi kula yeeshay Gen Bashir Mahamed Jamac (Bashiir Goobe) oo ah taliye xigeenka1-aad ee ciidanka police-ka, marna soo noqday gudoomiyaha xiriirka k/cagta, garsoorayaashii k/cagta ee somaliyana ka mid ahaan jiray, iyo gudoomiye ku xigeenka xiriirka k/cagta Ahmed Nur Cabdulle.

Kulankaan qadada ah oo ay sidoo kale ka qeybgaleen wariyaasha sports Somalia iyo kan caalamka ka faalooda ee Sir Sunni Said Salah iyo Yusuf Yusuf ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka heysta sports somalia, iyo sidii lagu badbaadin lahaa, iyadoo sidoo kale uu wasiirka sports ka war bixiyay tan iyo markii loo soo magacaabay jagadaan caqabadihii uu la kulamay iyo wixii uu qabtay.

Markii qadadii laga farxashay kaftan iyo sheekooyin gaab gaaban kadib ayaa waxaa kulanka furayWasiirka sports Suleymaan Colaad Rooble, wuxuu kulanka ugu warbixiyay dhibaatooyin ka jira Sports Somalia

Wasiirka ayaa sheegay in uu soo dhaweyn wanaagsan kala kulamya hogaanka sare ee GOS iyo qaar badan oo ka mid ah xiriirada hoos taga.

Gen.Bashiir Mahamed Jaamac (Bashir Gobe) ayaa lagu soo dhaweeyay kulanka inuu ka hadlo,wuxuuna si gaar ah diirada u saaray caqabadaha hor taagan wasiirka sports iyo sidii ug bixi lahaa, isagoo goobta ku soo bandhigay dhowr talooyin oo si weyn loogu riyaaqay.

Gen. Bashiir Goobe Wuxuu sheegay in kuwa uu hada wax ka sheegayo uu horey u soo arkay laakiin loo baahan yahay sidii lo tirtiri lahaa, tilaabooyin wax gal ahna laga qaato fikradaha qaabta daran ee ay aaminsan yihiin.kuwa islaheysiiyay meesha.

Kulanka uu wasiirku la qaatay Gen.Bashiir Goobe, Ahmed Nur C/dulle, Sir Sunni Said Salah iyo Yusuf Yusuf ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Wasiirka Sports-ka iyo dhalinyaradda Suleebaan Colaad Rooble tan iyo markii la magacaabay wuxuu noqday Wasiirka qura ee si rasmiya u guda galay hoowlahiisa shaqo,wuxuuna ku tilaaba qaadayaa weji farxadeed oo huwan dhalinyaronimo iyo horumarinta Sports-ka Somalia

Wasiirka waxaa lagu wadaa inuu dhawaan socdaal ugu ambabaxo dalka Swisserland

Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports Journalists



 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line