• FIFA-AFP Oo Shahaado Caalami Ah Gudoonsiiyay Wariye Sunni

NAIROBI-Senior Somali Spots Journalist Sunni Said Salah ayaa hay’ada kala ah FIFA iyo AFP waxey gudoonsiiyeen shahaado caalami ah oo xaga sports ah.

Wariye Sunni ayaa shahaadadaan caalamiga ah ee xaga sports waxaa lagu gudoonsiiyay xaflada lagu soo gabagabeynayay seminar mudo todobaad ah oo lagu tababarayay wariyayaasha sports ee qaarada afrika kuwaasoo loo tababarayo tabinta ciyaaraha koobka aduunka ee 2010 lagu qabanayo dalka South Africa.

Seminar-kaan oo ah mid wariyayaasha sports ee qaarada afrika aqoontooda sare loogu qaadayo ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday hay’ada maamusha k/cagta caalamka ee FIFA (Federation International Football Assocaition) iyo wakaalada Wararka ee AFP (Agency France Press).

Wariye Sunni oo Somalia u matalayay seminarka FIFA iyo AFP ayaa waxaa isaga iyo 19-wariye oo qaarada ka socda ay mudo todobaad ah cashiro la xariiraha aqoonta k/cagta iyo sida wararka ciyaaraha caalamka loo tabiyo ku qaadanayeen Silver Springs Hotel oo ku yaala dhanka koonfureed ee magaalada Nairobi .

Seminarkaan mudada todobaadka ah ka socday magaalada Nairobi ee shahaada caalamiga ah ee xaga sports lagu gudoonsiiyay wariye Sunni waxaa cashiro ka bixinayay Beuadufe Christopher iyo Barry Parker oo ah qabiiro ka socday wakaalada wararka ee AFP una kala dhashay dalalka England iyo France.

Wajiga 2-aad ee seminarkaan oo la iskugu soo laaban doono bisha November ee sanadkaan ayaa waxaa loogu talagalay iney ka qeybqaataa in ka badan 300 oo Wariyayaasha sports ee qaarada afrika (African football reporters),kuwaasoo laga soo kala xushay 46 wadana oo qaarada ah , si ay ugu qeybgalaan tabinta ciyaaraha aduunka ee 2010 World Cup.

Siminaarkaan ayaa waxaa hirgalisay qabashadiisa had’ayda maamusha k/cagta aduunka ee FIF (world football governing body) waxeyna hal ku dhig loogu dhigay mashruucaan "Win in Africa with Africa"

mashruucaan lagu kobcinta aqoonta wariyayaasha sports ee qaarada afrika waxaa gacan weyn ka geysaneysa AFP (Agency France-Press) gaar ahaan (AFP Foundation) taasoo la aas-aasay bishii July 2007, waxeyna maalgalinta ka heleysaa ururka midowga yurub (European Union).

FIFA president Sepp Blatter ayaa yiri "saxaafada afrika waxey door muhiim ah ka ciyaari doontaa sidii dadka qaarada afrika loogu xiri lahaa dhacadada koobka aduunka ee 2010 World Cup.

"FIFA waxaa sharaf u ah iney caawiso oo ay cashiro tayo sare leh siiso wariyaasha sports ee qaarada kuwaasoo ka shaqeeya saaxaafada Afrika iyadoo taasi kala kaashaneysa AFP Foundation iyo midowga yurub (European Commission).

cashirada siminaarkaan waxey ku bixi doonaan 4 luuqadood oo kala ah - English, French, Arabic iyo Portuguese –

seminaarkaan oo ah dhowr waji ayaa waxaa lagu kala qaban doona illaa iyo 8 magaalo oo qaarada ah oo ay ka mid yihiin Dakar, Abuja, Cairo, Johannesburg, Libreville, Maputo, Nairobi iyo Rabat, waxaana hada lagu soo qabtay magaalooyinka kala ah Dakar iyo Nairobi iyadoo todobaadka soo socda uu waji kale oo ka mid ah uu ka furmi doono Nairobi iyo Rabat

Wajiga hore ee siminaarkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya 137 wariyayaal iyo 15 photographers , kaasoo socon doonaan ilaa iyo dhamaadka sanadkaan


Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com

 

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line