• Tartankii is-dhex galka dhalinta da'da yar oo la soo gabagabeeyay

     

Waxaa galabta garoonka ciyaaraha ee Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu soo afmeeray tartankii kubadda cagta ee dhalinta da'da yar ee ka kala socday Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, kaasoo ay ka qayb galayeen 8eed kooxood, soona socday illaa iyo 13kii September dhamaadayna maanta oo taariikhdu tahay 6da bisha 11aad sanadka 2012.

Munaasabaddii tartan kubadeedkan lagu soo gabagabeynayay waxaa ka qayb galay gudoomiyayaasha dhalin-yarada iyo ciyaaraha ee labada maamul ee Puntland iyo Gal-mudug, iyo boqolaal qof oo daneeya ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta.

Ugu horayn waxaa munaasabada xiritaanka tartanka ka hadlay gudoomiyaha dhalin-yarada iyo cayaaraha gobolka Mudug ee Puntland C/hodan Cali Xasan (Dayax-Leef), gudoomiyaha ayaa mahad-celin ka dib waxaa uu si weyn ugu ammaanay kaalintii kooxaha ka qayb galay koobka ay ka qaateen is-dhex galka dhalin-yarada iyo sida wanaagsan ee ay u sameeyeen xiriirka walaaltinimo oo qota dheer, isagoo ku soo dhaweeyay garoonka Cawaale gudoomiyaha dhalin-yarada iyo ciyaaraha ee dhanka Gal-mudug Ayaanle C/dulaahi Ducaale, Ayaanle ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu ku odorasay mid qiimo weyn uu ugu fadhiyo dhamaan qaybihii soo abaabulay gaar ahaan gudoomiyaha tartanka C/qani Khaliif Carabey oo bil ka hor Tvga Universal qaybta ciyaaraha ay u garatay shakhsiga Sportska ee Soomaaliya sanadka.

Madaxa tartanka C/qani Khaliif (Carabeey) oo isaguna dhankiisa hadalo ku aadan munaasabada jeediyay ayaa tilmaamay inay tartankani u soo mareen marxalado kala gadisan kuwaasoo ay ku jiraan u dulqaadasho dhibo badan oo uu kala kulmay, maadaamaa la isku keenay dhalin-yaro fara badan, Carabeey ayaa xusay inay dhabarka u riteen caqabad kasta oo ka hor-timid hadana ay diyaar u yihiin inay sidii dadaalka hor-marka leh intaasi looga sii ballaarin lahaa.

''Waxaan si weyn ugu mahad celinayaa gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Mudane C/rashiid Xasan Xirsi (Baki) oo ku sugan dalka Canada, qayb weyna ka ah dhamaystirka koobkani'', Ayuu yiri Carabeey.

Gabagabadii xiritaanka koobka waxaa khadka taleefoonka kaga soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Mudane C/rashiid Xasan Xirsi (Baki), oo ahaa laf-dhabartii ciyaarihii gobolada dalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe sanadkii 2010kii, kuwaasoo si weyn loogu xusuusan doono.

Baki ayaa ayaa dhalinta da'da yar ku baraarujiyay inay kor u sii qaadaan heerkooda ciyaareed, waxaa uu gudoomiyuhu tilmaamay inay farxada gaara isaga u tahay maadaamaa Cawaale Stadium ay ku kulmeen labo kooxood oo ka socda Koonfurta Gaalkacyo, taasoo uu sheegay inuu ku dhashay xaafadda Hormar oo labadani kooxood e Finalka isku yimid ay ka socdeen, waxaana uu ku micneeyay arintaas inay tahay mid taariikhiya, Baki ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada ciyaaraha meel walboo uu ka jiro hannaan Sports maadaamaa uu huwan yahay magaca Soomaali oo dhan.

Waxaa tartankan oo ay isku soo baxeen kooxaha kala ah Topaz iyo Sohdo oo ciyaartoodu ay ahayd mid soo jiidatay indhaha daawadayaashii garoonka yimid, ugu danbeyntii guusha ay ku raacday oo koobka la hoyatay kooxda Topaz ka dib markii 5 - 4 lug ku laad lagu kala baxay.

Tartankan ayaa ku dhamaaday jawi dagan, iyadoo qaban-qaabiyaha tartankana uu ballan qaaday inuu sii wadi doono qabashada koobab noocaan oo kalaa si ay dhalintu is-dhex gal u samayso, cid walboo gacan ka gayanaysana uu soo dhawaynayo, iyagoo la soo xiriiriyo Addresyada hoos ku qoran.

Email; Cabdiqani0903@gmail.com Tell ; 0025290 621638


Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line