• Reer Toronto oo lagu soo dhaweeyay Swedan

Ciyaartoydii hore ee Soomaaliya oo ka kala yimid dalalka Canada, UK, Denmark, Germany iyo Sweden ayaa maanta waxaa qado sharaf u sammeeyay Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato).
Munaasabadda qadada ah ayaa waxaa ka qeybgalay marti sharaf ka kaa yimid dalalkaas, gaar ahaan dalka Canada oo ay ka timid martida ugu badan. Martida Isboorti ee ka timid Canada ayaa waxaa hogaaminayay Macallin Duke oo ay si weyn u yaqaannaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Isboortiga aadka ula socda.

Ciyaartoyda ka kala timid dalalkaas ayaa waxay dalka Sweden u joogaan ka qeybgalka ciyaaraha xagaaga ee sanad kasta lagu qabto dalka Sweden, waxaana munaasabadda isku arkay dad ay mar hore isugu dambeysay, kuwaasi oo dib u qooraansaday xusuustii waayo waayo iyo berisamaadkii.

Qadada kaddib ayaa waxaa munaasabadda ka hadlay Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato) oo soo dhaweyn kaddib marti sharafta uga mahadceliyay sida ay u ajiibeen casuumaadda uu u fidiyay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in bahda Isboortiga ay mar walba isku xirnaadaan, iska warqabaan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Macallin Duke, Axmed Diinaash, Maxamed Buube, Oday Mursal, Bile Madbaco, Guddoomiyaha SEUKI ee sanadkan Abdihodan Afrah, Bashiir Jeenyo, Saacid Geedi, Yoonis Galbeyte, Maxamed Shukri.

Munaasbadda oo uu xiriirinayay C/qaadir Sola ayaa waxaa gunaanadkeedii loogu duceeyay C/qaadir Isoomareey oo sanadan xanuun aawgiis uga baaqday ka qeybgalka ciyaaraha xagaaga Sweden, waxaana Alle looga baryay in uu caafimaad. Dhanka kalena, waxaa munaasabadda laga soo jeediyay in la kaalmeeyo ciyaartoy hore oo ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line