• Toronto Oo Isu Diyaarineysa Sweden

Waxaa magaalda Toronto shir isugu yimid bahweynta sportige ee reer Toronto. Shirkani ayaa waxaa lagu lafa guray sidii loogu qeybgali lahaa tartanka kubadda cagta ee lagu qaban doono wadanka Sweden bisha August, 2014.

Shirkani ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Oday Mursal oo ka mid ahaa dadkii soo qaban qaabiyay shirkani. Oday ayaa u mahadceliyay dhaman dadkii ka soo qeygalay iyo kuwii soo qaan qaabiyay. Intaa kadiba wuxuu si kooban uga hadlay ulajeedada shirkani oo ahaa sidii looga qeybgali lahaa tartanka kubadda cagta ee ka dhici doonta Sweden.

Intaa kadib Maxamed Tuke ayaa hadalka qabsaday isagoo ka warbixiyay waqtiga la qaban doono tartanka iyo kooxaha kasoo qeybgali doono.

Sidoo kale Mukhtar Cuti ayaa isagana ka hadlay shirkani isagoo sheegay in tartankani reer Toronto iyo Mareykana ay si wada jir ah ugu qeybgali doonaa iyago matlaya waqtooyiga Mareykanka "North America"

Macallim Tuke, Cantar Jeenyo, Dr. Yusuf Shaqaaq, Maxamud Maxamed "Trumbo", Saciid Dhuuni, Axmed Abuukar "Axmadey B" iyo Xuseen Xaaji ayaa iyaguna sidoo kale halkaasi ka hadlay.

Ugu dambeytnii waxaa leesku raacay in laga qeybgalo tartankani, Guddi hogaamisana loo magacaabo.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line