• Toronto oo si rasmi ah uga furmay Summer cup 2014

Waxaa magaalda Toronto si rasmi ah uga furmay tartankii kubadda cagta ee la magac baxay Summer Cup 2014.

Tartankani ayaa waxaa loo qeybiyay 3 qeybood. Qeybta kowaad waxaa wada ciyaara ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 15 jir (U15) iyagoo ciyaara maalinta Jimcaha. Halka maalinta Sabtida ay iska horyimadaan kooxaha dhallinyarada ah. Sidoo ka le dhallinta cuslaatay ayaa iyaguna koob loo dhigay iyagoo ciyaara maalinta Axadda.

Dhanka dhallinyarada ciyaartii furitaanka waxaa wada ciyaaray kooxda Seif iyo koox ku ciyaareysan magaca dalka Eritrea. Labadan kooxood ayaa waxay isla dhaafi wayeen 1-1.

Ciyaartii labaad oo aad u xiiso badnayad waxaa wada ciyaaray kooxda Xiddigaha iyo kooxda Down Town . Labadan kooxood oo soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan ayaa waxay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Xiddigaha ee u tababare u yahay Hamadi.

Dhanka ciyaartooyda cuslaatay waxaa ciyaartii furitaanka wada ciyaaray kooxda Bakin Media iyo Seif. Labadan kooxda waxay ku kala hooydeen 1-1.

Ciyaartii labaad oo lagu waday iney wada ciyaraan kooxda xiddigaha iyo Down Town, waxaa garoonka usoo xaadiri weyday kooxda Down town sidaana 3dkii dhibcood waxaa howl yari ku qaadatay xiddigaha.

Todobaaka soo sacda oo ay bishu tahay June 15,2014 waxaa ciyaarta kowaad wada ciyaari doonaa Down town iyo seif, ciyaarta labaadna Xiddigaha iyo Bakri Media.

Isku aadka kooxaha oo dhameystiran la soco goor dhow




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line