• Muqdisho oo ku bar baratay Batroolka

Waxaa Magaalada Toronto lagu soo gaba gabeeyay tartankii Tuesday Ramadan Cup.

Ciyaartii finalka ee tartankani ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Batroolka iyo Muqdisho fc.

Bilowgii ciyaartaba waxaa laba gool oo daran doori ah lagaga naxsaday koox Muqdisho.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhamaatay Batroolka oo 2-1 ku hogaamineysa.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Muqdisho dar dar xoog leh la soo gashay garoonka. Wixii goolka Batrooka la weeraraba kooxda Muqdisho ayaa waxaa u suurta gashay iney dhaliso goolkii bar bardhaca 2-2.

Kooxda Batroolka ayaa markii laga dhaliyay goolkii bar bardhaca ay isku dhex yaacday, taasii oo keentay in daqiiqado yar gudaheeda 3 goolka oo kale dhabarka loo saaro.

Gaba gabadii ciyaarta ayaa kooxda Muqdisho ay guusha ku raacday 5-2.

Cali Gurey oo ahaa xiddigii hore ee kooxda Horseed iyo xulka qaranka ayaa koobkii guddoonsiiyay kabtanka kooxda Muqdisho Da'uud.

Koobkii MVP ayaa waxaa ku guuleystay Libaan Gacmey. Halka difaaca ugu fiican loo magacaabay Madaxey. Sidoo kale garooraha ciyaarta Maxamed Deeq ayaa isaga koob how karnimo ah la guddoonsiiyay.
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line