• Somali United Oo Duugtay Tigers

 

Today Somali Soccer Week 2011. Ciyaartii finalka ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Somali United iyo Somali Tigers.

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayad ayaa waxaa 5-1 ay guusha ku raacday kooxda Somali United, oo sidaasi sannadkii labaad oo xiriir ah koobka halkaasi ku qaadatay.

Intii aan ciyaarta bilaaban ayaa waxaa la si saa'daalinaayey in Tigers ay ku awood yihiin United.

Bilowagii ciyaartaba United ayaa laba gool oo is daba jooga ah ku hormartay.

Wax xogaa markii ay ciyaart socotay ayaa Tigers ay dhaliyeen goolkoodi ugu horeeyay uguna dambeeya.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kal nastay 2-1. Waxaa la filayey in qeybta labaad ay Feysal iyo kooxdiisa ay United goolka bar bardhaca ka dhalin doonaan.

Arrinta sida la filayey ma noqon oo qeybtii labaad ayaaba Tigers si fiican loo duugay iyagoo 3 gool oo kale laga dhaliyey,

Ciyaartan ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-1 oo ay Tigers isku dhibeen.

Koobabkii halkaasi lagu bixiyey ayaa waxaa ka mid ah:

Koobak tartanka dhaliyeyaasha, waxaana ku guuleystay Simon Noel, MVP waxaa qaatay Abdiwali Aman "Zigla" oo labaduba ka tirsan kooxda Somali United.

Tababaraha ugu wanaagsan "Best Coach" waxaa loo magacaabay Kanu oo ah tababaraha ee kooxda Somali Tigers.

Runtii Kanu waa wiil dhallin yaro ah aadna u degan. Xitaa marka kooxdiisa ay la kulanto guul darro waa tababare kooxda dejiya ee aan u horseedin xanaaq.

Tababare Kanu waxaan ku leenahay Hambalyo da'daalkana halkaadi ka sii wad.

Goolhayaha Bandir ayaa la siiyay koob isagoo loo aqoonsaday goolhayaha ugu fiicnaa tartankan

Kooxda Iftin ayaa iyaduna koob xagga aqlaaqda ah lagu abaal mariyay.

Dhanka koobka dhallinta cuslaatay waxaa ku guuleystay kooxda Washington DC.

Weerar aan la celin karin

Waxaa xusid mudan in kooxda Somali United ay tartankani ka dhalisay 19 goal.

19kan gool ayaa waxaa u kala dhaliyay Simon iyo Zigla oo midkiiba 8 gool shabaqa ku hubsaday. Halka Ortega, Cabdirisaaq yar iyo Jareere uu midkiiba hal gool dhaliyay.

United oo laga badin la' yahay ilaa iyo 2007.

Kooxdan ayaa daqiiqadihii loogu talo galay ciyaarta lagaga badin la' yahay ilaa iyo sannadkii 2007

Sannadkii 2007 Somali United waxaa ciyaarta Finalka lagaga badiyey rigooreyaal "Penalty". Sidoo kale 2008 iyo 2009 waxay tartankan wareegga labaad kaga hareen rigooreyaal.

Halka sannadihii 2010 iyo 2011 ay hoobka la hoydeen.

United oo ku hadasha 8 Luqadood

Ciyaartooyda kooxd Somali United ayaa markii ay laba labo u sheekeysanayaan waxaad maqleysaa iyagoo ku hadlaya luqado kala duwan. Luqadaha dhegahaada ku soo dhacaya ayaa waxaa ka mid ah: Somali, Fransiis, Carabi, Amxari, Sawaaxili, Oromo, Barawe iyo Ingriiska oo u muuqda midka keliya oo ay si wada jir ah ugu sheekeystaan.

W/D Mohamed Busuri

Sawir Qaade: Mohamed Ganey




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line