• Koobkii Xusuusta Ciyaartooydii Hore

JEDDAH- iyadoo si xiiso leh ay ugu socdaan Garoomada Sharbatle ee magaalada Jeddah koobkii sida weyn loo sugaayey oo ahaa koobkii Xusuusta Ciyaaryahanadii hore . ayaa ciyaar ka mid ah tartankaasi dhex martey laba naadi ee kala ah Dahabshiil iyo Iftiinka Canaakish .

Saacaddu markey aheyd 05:00pm waqtiga magaalada Jeddah goorsoorihii ciyaartaasi dhexdhexaadinaayey oo lagu magacaabo Garsoore Maxamed Ceydaruus uu seerigii ku dhuftey ciyaartuna ay ku bilaawatey weerar iyo weerar celis .

Qeybta hore ee ciyaarta waxey laba kooxood iska lumiyeen fursado kuwaasi oo derbi lama dhaafaan ah u noqodey labada difaaca ee u kala ciyaara labada naadi oo runtii ahaa difaaco degenaan ku ciyaraayey sidoo kale labada gool haye ayaa iyaguna kaalintoodii si aad ah ugu soo baxey iyadoo aanu midna kale ka liidan waxeyna ku soo geba gabowdey qeybta hore ee ciyaarta 0 – 0

Markii leysugu soo laabtey qeybta labaad ee ciyaarta oo ay is canaanteen labada kooxoodba ayey hadana ka sii kululaatey ciyaarta feejignaanta ciyaartoyda difaacana ay sidii hore ka sii dartey laakiinse sidey doonto ha noqotee waxey labada naadi isla dhaafi waayeen 0 : 0 .

Waxaa xusid muddan Tababare Diinoos iyo Guddoomiye Sheekh Cismaan oo Naadiga Dahabshiil ah iyo ciyaaryahanda naadiga Dahabshiil ee dadaalka muujiyey oo kala ah Naasir Bajaabir, Cabdirashiid Nageeye, Ibraahim Diinoos, iyo Gool haye Cabdalla , Sidoo kale dhinaca Naadiga Iftiinka Canaakish waxaanan la ilaabi Karin Guddomiye Barqash iyo Kuxigeenkiisa Shiikh Nuur iyo Tababaraha Naadiga, iyo ciyaaryahanda kala ah Goolhayaha weyn Kharashow, Maxamed Siid , Liibaan, Maxamed Cabdi (SOOMOW),

Waxaana Daawashada Ciyaartaasi ka soo qeybgaley Wakiilka Olombikada Soomaaliyeed ee Dowladaha Carabta iyo Khaliijka Md. Cali Nuur

Kulamada tartankani waxaa had iyo jeer kasoo qeybgalay amaba maamula Ciyaaryahandii waa weynaa ee waagii berisamaadkii ka soo ciyaari jirey naadiyada heerka koowaad ee wadankeena Soomaaliya ka dhisanaa

waxaana Kormeeraha guud ahaa Gudd. Maxamed Aweys Guddiga farsamaduna uu ahaa Ciyaaryahanada kala aha C/qaadir Yurus , Cali sheikh ,Salaax Bajaabir , Yacquub Axmed Maxamuud, Cali Axmed maxamed (cali canbuulo), C/Qaadir Seylac, Nuur Macow Bini, , Sayid Cali, Macalimow Cabdalla, Aweys xaaji Cismaan ,

 

W/D Muuse goosaar jedah
muusegoosaar@hotmail.com



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line