• Sannad guradii 13-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Kooxda wadani Boldklub

     

Xaflad heer sare ah oo ay soo agaasimeen kooxda kubada cagta ee wadani ayaa lagu qabatay restaruent Mamma Africa oo ku yaal wadanka Denmark, Copenhegen.
Waxaa xafladan balaaran ka soo qeyb galay xubno ka tirsan ururada kale duwan ee bulshada.Waxaa sidoo kale kasoo qayib galay ciyaartooy hore iyo kuwa cusub oo ka soo qeyb qaatay 13sannadood ee kooxdu jirtey.Waxaa kaloo munaasadaa ka hadlay gudii ka tirsan olypic soomaliyeed.

Gudoomiyaha Olympic ee Denmark Mr Mahamed Shukri ayaa ka hadlay , ayaa ku booriyey dhalinyaradii ciyaartooga iyo tababarayaasha iyo gudida kale , in kor loo qaado tayda ciyaaraha kala duwan.

Ulajeedada xafladani waxay ahayd, xuskii ciyaartooygii hore iyo kuwa cusub ee ka qeyb galaya ciyaaraha xagaaga ee lagu qabto wadanka Sweden , gaar ahaan Stockholm Waxaa xafladan furitaankeedii ka hadlay tababaraha kooxda ahna tababaraha Qaranka Denmark. Mr Jamaal Madoobe , oo ka sheekeeyey marxaladii ay kooxdu soo martay mudadii ay jirtey . Waxay kooxdu markii ugu horeysey ka qeyb galeen koobka xagaaga ee lagu qabto Sweden sanadkii 2000, kuwaas oo ay galeen kaalinta saddexaad.Waxaa xusid muddan aasaasihii kooxda Dita oo guul la taaban karo gaarsiisyey kooxda.

Guulaha la taaban karo ee kooxdu ku talaabsatay waxaa ka mid ah, Waxaay ku guuleysteen kaalinta kowaad sanadihii 2006, 2007,iyadoo sanadkii 2012 ay galeen kaalinta 2-aad.

Kooxda waxaa soo maray ciyaartooy kale duduwan muadadii ay jirtey , ciyaartooygaas oo taariikh lama ilaawan ah ku leh tartanka koobka xaggaaga, iyagoo ku guuleystey abaalmarino kala duwan, sida in qaar ka mid ah yihiin, xubno ka tirsan kooxda, qaar kalena noqdeen tababarayaal.Anigoo ah Tababaraha kooxda Jamal M, waxaa farxad weyn ii ah in guusha ah, in ciyaartooygi qaar noqdeen , tababarayaal, qaarna ay noqdeen Gudi ay tahay guul wax ku ool ah.
Gudoomiyaha kooxda Ahna Gudoomiyaha sportiska Denmarka .Abdirizak Jama Inzagi ayaa hadlay goobtaas, isagoo ku nuux nuuxsaday in ciyaaruhu yihiin , waxa kaleiya ee dadka isu soo dhaweeyo.isagoo aad iyo aad ugu fraxsan guulaha ay Kooxdu soo hoyisay iyo kobcinta dhalinyarada da`´yartaa isagoo carabka kudhuftay inay markasta utaaganyihiin kor uqaadista sportiska somaaliyeed.ugu dambayna umahadceliyay Gudiga Kooxda.
Goobtaas waxaa lagu bixiyey abaal marino kala duwan oo kala ahaa. Ciyaartooygii, Goolhayihii, Difaacii, ciyaartoogii ugu gool dhalis badanaa, ciyaartooygii ugu Asluubta, iyo ciyaartooygii ugu da`ada yaraa uguna fiicnaa ee kooxda soo mara.
Ciyaartooygii ugu fiicnaa ee kooxda soo mara waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa Zekeriye Khaliif, Mustaf, Haashim. Waxaa ku guuleystey Zakariye Khalif

Goolyahii ugu fiicanaa ee kooxda soo mara waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa Bamsa, Abdisamed, Shiifaan. Waxaa ku guuleystey Bamsa
Ciyaartoogii ugu gool dhalis badnaa ee kooxda soo mara waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa Aaga, Bashiir. Ciyaal Maama. Waxaa ku guuleystey Aaga
Goolkii ugu qurxda badnaa ee kooxda soo mara waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa Baby, Zekeriye , Jamaal Mr Black. Waxaa ku guuleystey Baby

Ciyaartooygii ugu ciyaar qeyb gal badnaa, waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa Ciyaal maama, Bashiir, Inzagi. Waxaa ku guuleystey Ciyaal Mama

Difaacii ugu fiicanaa, waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa.
Mukhtaar,
Afro, Nuur. Waxaa ku guuleystey Mukhtaar.
Ciyaartooygii ugu asluubta badnaa, waxaa ku tartamay saddex ciyaartooy , kuwaas kala ahaa Mustafa, Hassan, Ali Malaay. Waxaa ku guuleystey Mustafa.

Laacibka ciyaar wanaaga sanadka 2012 waxaa ku guuleystey Cigaal.Ciyaartooyga ugu da`ada yar waxaa ku guuleystey Abdiaziiz. Isku xirka waxaa ku guuleystey Xassan Cade


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line