• Shirka Nabadda Ee Sportiga

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada oo ka qayb galay shirka Nabada iyo Isboortiga oo lagu qabtey xaruunta Olampicada Aduunka oo ku taal dalka Switzerland.

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya Mudane Salebaan Colaad Rooble ayaa soo gaarey dalka switzerland todobaadkii la soo dhaafay isla markaana kaga qayb galaya shirka Nabada iyo Isboortiga oo lagu wado inuu ka dhaco xaruunta Olampikada Aduunka oo ku taal magaalada Lausanne ee dalka Switzerland.

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka switzerland mudane Danjire Yusuf Bari Bari ayaa wasiirka iyo masuuliyiintii la socotey uga hor tagay gegeida diyaaradaha dalkaas isla markaana si wanaagsan ula shaqeeyay tan iyo markii u yimid magaalaada Geneva, Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa warbixin ka dhagaystey danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka switzerland mudane Danjire Yusuf Bari Bari , labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo xaalada jaaliyada Soomaalida dalka switzerland ku dhaqan.

Wasiir Saleebaan Colaad iyo wafdigii la socday oo ka mid ahaayeen ku xigeenka kowaad ee GOS mudane Duran Farah iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Geneva Danjire Yusuf Bari Bari ayaa waxay si wada jir ah kaga qayb galeen shirka Nabada iyo Isboortiga ( Sports and Peace Forum 2009 Loussana), shirkaas oo socday mudo labo maalmood 7 MAY - 8 May 2009, waxaana looga hadlaayay sida Nabada Aduunka uu Isboortiga uga qayb qaadan karo, waxaana shirka ka soo qayb galay masuulyiin iyo madax kale duwan oo ka kala yimid dalalka Caalamka.

Wasaarada Isboortiga iyo Gudiga Olampikada Soomaaliyeed ayaa waxay halkaasi ka jeediyeen warbixin ka hadlaysa Isboortiga dalka Soomaaliya iyo sida Nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya Isboortiga uga qayb noqon karo, kadibna waxay ka qayb qaateen seminaaro iyo workshops looga hadlayay Nabada iyo Isboortiga iyo sida bulshada Caalamka isku fahmi karaan.

Wasiirka iyo masuuliyiintii la socotey ayaa waxay booqdeen xaruunta Olampikada isla markaana waxay la kulmeen madaxa ugu sareeya Olampikada iyo masuuliyiintii kale duwaneed ee ka soo qayb gashay Workshop-ka lagu qabtey magaalada Laussana dalka, Wasiirka ayaa waxa kale oo kulamo muhiim ah la yeeshay Wasiirada Isboortiga dalalka Afrika ee ka qayb galayay shirka Nabada iyo Isboortiga, sida "UN Representative of Sports for Peace and Development" Mr Wilfred limke, madaxa IOC Mr Chaque Rogue, madaxa jiilka nabadda ahna madaxa guddiga olimbikada dalka Jordan amiir Faysal Al-Xuseen, guddoomiyaha olimbikada Afrika Jen Lassano Blenfo, Mr Pere Miro "Director of olympic solidarity" iyo madaxa xiriirka caalamiga ah ee xiriirka kubadda cagta adduunka "FIFA" Mr Cherome Champagne ayagoo dhamaantood kala hadlay horumarinta cayaaraha dalka soomaaliya guud ahaan gaar ahaan sidii loogu taageeri lahaa qorshaha ay ugu jiraan u isticmaalka cayaaraha ee nabadaynta iyo isdhexgalka bulshada.

Mudane C/qaadir Biriq oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Hiiraan iyo Naadiga Petroolka ayaa qalab Isboorti gudoonsiiyay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble.

Sida uu qadka Telefoonka igu sheegay Wasiirka Isboortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa waxa u ku micneeyay safarkiisii uu ku yimid Laussana inuu ku dhamaaday guul isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inuu kulamo kale duwan la qaato Qoyska Olampic Isboortiga ( Olampic Family) isla markaana waxyaabo badan ay isla soo meel dhigeen intii uu joogay Luassana dalalkii ka soo qayb galay madaxdooda, waxana u si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Yusuf Bari Bari sida sharaf badan uu u soo dhaweeyay isla markaana ula shaqeeyay intii aan joognay dalka switzerland.

Wasiirka ayaa dib ugu laabtey magaalada Nairobi isla markaana la filayaa inuu u ambabaxo magaalada Muqdisho isla markaana shir jaraaid ku qaban doono maalmaha soo socda xafiiskiisa, si uu uga waramaayo safarkii u ku kala bixiyay magaalooyinka Nairobi iyo Laussana.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line