W S
Home|


WASHINGTON OO DIIDAY IN KOOB LAGA QAADO

Sannad kasta bisha September horanteedi waxaa magaalada Washington Dc lagu qabtaa tartan kubadda cagta ah oo ay ku loolamaan ciyaartooydii cuslaatay ee Toronto iyo kuwa Washington. Iyadoo ay dhanka kalena ay ku tartamaan dhallinyaradan maanta.

Ciyaartooydan cuslaatay ayaa waxay yeshaan laba kulan. kooxdii ku adkaatana labadan kulan ayaa koob halkaasi ku qaadato. Haddaba sannadkan kulamadii ay labadan kooxood yesheen ayaa waxay isla dhaafi wayeen ciyaarta 4-4 iyo 1-1. Sidaa awgeed si ay koox guusha ku raacedo ayaa waxaa loo dhigay gool ku laad Rigoore ama Penalty qofba siduu u yaqaano. Rigooreyaalkan ayaa waxaa ku awood roonaaday kooxda Washington halkaana ku hanatay koobkii sannadka 2007 oo loogu magac daray AUN marxuum Nuur Cabdi Xuseen (Nuur Jeenyo).

Dhanka kale tartankii dhallinyarada ayaa waxaa ciyaarta kamadambeynta final isugu soo haray kooxda martida loo yahay ee Washington iyo kooxda Atlanta. Dhallinyaradii Washington ayaa yiri kol haddii ay odeyaasheena diideen in koobka laga qaado, innaguna waa ineynu waddadii ay mareen marnaa oo aan koobka nalaga qaadin. Sidaa ayayna yeleen kooxdan iyagoo Atalanta dhabarka dhinaca u dhigay halkaana koobkii ku qaatary.

Waxaynu leenahay HAMBALYO Odeyaasha iyo dhallinta reer Washington Dc.

W/D Mohamed Busuri