Kooxda kubadda cagta ee jaalliyadda deggan Magaalada Leicester ee cariga Ingiriiska ayaa waxay qabanqaabisay tartan kubada cagta ah oo loogu magac daray 1st Annual Supper cup tournament. Tartankan waxaa ka qayb galay kooxaha ugu adadag ee dalka ingiriiska. Kooxahan oo haysta koobab ama ah horyaalada tartamada ka kala dhaca Yurub iyo canadda. Tartanka wuxuu socday labo maalmood, 14ka iyo 15ka April ayaa wuxuu u dhacay si heer sare ah, haddii ay noqon lahayd marti soorka oo dhamaan kooxaha ka soo qayb galay iyo madaxdooda la seexiyey hotel Five Star ah, cunnadanna halkaasi laga cunayey. Tartanka oo ay garsoorayeen garsoorayaal tayo leh kana diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta ee dalka Ingiriiska. Guddi farsamo oo maamulayey tartanka iyo guddi qabanqaabo oo heegan u ahaa hawl kasta oo halkaasi ka dhacayey. Tartanka noociisa oo ku cusbaa Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf magic ku leh sportiga iyo macallamiin heer qaran ah oo kooxaha qaarkood ay wateen. Tartanka oo aad loogu baahnaa in horey loo sameeyo noociisa oo kale ayaa nasiib wanaag waxaa ku guulaystay qabashadiisa iyo fikirka tartankaba kooxda Leicester United. Kooxo fara badan ayaa marka ay ka qayb galaan tartamada xagaaga ee jaalliyadaha qurba joogta, ayaa marka ay guullo ka Keenan , dibna loogu soo noqdo cariga Ingiriiska ayaa waxay yiraahdaan anagaa ugu wanaagsan. Marka tartanka aad baa loogu baahnaa si loo helo kooxda ugu tayada wanaagsan iyo ciyaartoyda ugu wanaagsan. Tartanka oo ay ku guulaysatay kooxda ILAMOS, noqotayna kooxda ugu wanaagsan dhammaan kooxihii ka soo qayb galay waxay qireen in uu tartan ku uu ahaa mid SUPPER AH, Ciyaartoyda ka soo qayb gashay waxay ahaayeen SUPPER, Marti soor ku wuxuu ahaa SUPPER, guddiga qabanqaabada iyo midka farsamadaba waxay ahaayeen SUPPER, Mediaha wuxuu ahaa SUPPER. Garoonka lagu ciyaarayo wuxuu ahaa SUPPER, GARSOORAYAASHA WAXAY AHAAYEEN SUPPER. Ciyaaryahankii la qaatay wuxuu ahaa SUPPER. Tartanka magaca loogu daray wuxuu ahaa 1st Annual SUPPER CUP. ALL SUUPER. W.Q. Abdulqadir Caddaay
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line   ;
|