• Garsoore Soomaaliyeed oo qabanaya cayaarta furitaanka CECAFA

Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish Xaaji yabarow ayaa daqiiqado ka hor loo magacaabay in uu dhex dhexaadiye ka noqdo cayaarta furitaanka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo barri ka furmaya gobalka South Gordofan ee dalka Sudan. Garsooraha iyo caawiyeyaashiisa ayaa galabta lagu magacaabay kulan ka dhacay magaalada Kadugli.

Cayaarta furitaanka ee tartanka ayaa waxaa ku har-dami doona kooxda Al-hilal ee dalka Sudan iyo kooxda URA ee dalka Uganda. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka CECAFA galabta waxaa garsooraha Soomaaliyeed Xasan Wiish Xaaji Yabarow calan wadeyaasha koobaad iyo labaad u kala noqon doona Hakizimana Ambroise (Rwanda) iyo Abdullahi Mahamoud (Djibouti) halka Louis Hakizimana (Rwanda) uu isna noqon doono sarkaalka afaraad ee cayaarta ama garsooraha keydka sida Soomaalidu u taqaano.

Madaxa xafiiska horumarinta garsoorayaasha ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Cabdulle Axmed Baasaale ayaa saxaafada u sheegay in garsooreyaasha Soomaaliyeed ee hada ku sugan Darfur iyo south Gordofan ay yihiin kuwo xiriirku kalsooni weyn ku qabo aqoontooda iyo kartida ay u leeyihiin shaqada ay qabanayaan.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay in Garsoore Wiish uu qaban doono cayaarta finalka maalin maalmaha ka midana uu ka dhex muuqan doono koobka aduunka---waa meeshaas meesha aan hamineyno sababtoo ah shaqadiisa iyo xiriirka dhanka indhaha ah ee uu sida joogtada ah ula sameynayo calan wadyaashiisa ayaa ah mid aad u sareeya”ayuu yiri Mr Baasaale.

Baasaale ayaa laftiisa ka mid ahaa garsooreyaasha Afrika kuwa ugu cad cad waayihiisii shaqada garsoorka hadana waa madaxa xafiiska horumarinta garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed iyadoo macalimiinta dhanka garsoorkana uu ka mikd yahay.

By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Email:shaficiislow@yahoo.com

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line