• Hall of fame oo diiday iney guuldaro labaad la hooyato

Tartankii Winter Cup qeybtii dhallinta cuslaatay ayaa si qurxoon uga socda Toronto.

Ciyaartani ayaa habeenimadii Axadda ay fooda is dareen kooxda Xiddigaha oo hore bar bar dhac u soo gashay iyo Hall of fame oo ciyaarteedi kowaad guul darro la kulantay.

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa goolka ku hormartay kooxda Xiddigaha. Wax xaogaa kadib Hall of fame ayaa iyaduna dhalisay gookii bar bar dhaca.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-1. Qeybtii labaad ayaa kooxda xiddigaha 2 gool oo daran doori ah ay halkaasi ka dhalisay.

Markii ay ciyaartu mareysay 3-1 ayaa ciyaartooyda Hall of fame ay weerar aan kala go' lahayn kusoo qaadeen goolka xiddigaha iyagoo ka biyo diidanaa in mar labaad ay guul darro la hoydaan. Kooxda Hall of fame ayaa u suurtagashay iney iyaduna 3 gool oo xiriir ah dhaliso. Xiddigaha oo markeedi u baqday in laga badiyo ayaa goolkii bar bar dhaca dhalisay. Ciyaartani ayaa waxay kusoo gaba gabowday 4-4.

Ciyaartii labaad ayaa waxaa wada ciyaaray kooxad Bakri Media iyo UBK waxaana ay guusha 4-0 ku raacday Bakri Media

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line