• Qori Tuurkii Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka oo Lagu Kala Qaxay Tababarayaashu Maxay Ka Yidhaahdeen?

Salvador-06-Dec-(xiddigaha.ca) Saaxiibayaa faqidaadeena ciyaaraha waxaynu ula haajireynaa xagaa iyo Salvador oo lagu kala faraxashey isku aadkii ama qori tuurkii 32-da dawladood ee ka qeybgalaya koobka kubadda cagta ee aduunka ee lagu qaban doona dalka Brazil 2014 xagaaga soo socda.

Qormooyinkeenii hore ayeynu ku soo qaadaney isku aadkan maanta lagu kala qaxay,haddaba tababarayaashu maxay ka yidhaahdeen?

Gruop-A-Tababaraha BrazilLuiz Felipe Scolari muxuu ka yidhi? Ma ka walwalayo isku aadyadii hore,haddii aad ka welwesho wareegga labaad waxaad iloobeysaa wareegga hore oo aad u mihiim ah.

Group-B-Tababaraha Spain Vincent Del Bosque, ma odhan karo waa guruub jilicsan waana mid qasan oo adag.

Group-C- Kabtanka xulka GreeceGiorgos,guruubkani waa guruub adag,laakiin ma dhayalaneyno khadka aanu ku ciyaarno waxba ka ma badaleyno.
Group-D-Tababaraha Talyaanigu Prandelli,waa guruub adag Uruguay iyo Talyaaniga waanu ka badiney kulamadii ugu dambeeyey,laakiin koobkani waa world Cup mana la dhyalsan karo.Group-E-Tababaraha France Didier,Ma ku ciyaareyno waqooyiga gobolka weyna noo fiican tahay.

Group-F-Tababaraha Bosnia Saft Susic,Argentine ayaa guruubkan u jaanis fiican, waxaanu kaalinta labaad kula dagaalami doonaa Nigeria,laakiin waxba kama sheegi karo Iran.
Group-G-Tababaraha Germany Joachim Leaw,waan aqbaley iskumana mashquulinayo muhiimku waa in aan isu diyaarino koobkan aduunka.

Group-H-Tababaraha Russia Fabio Capello,waxaan kaliya oo aan odhan kara,ma ku ciyaareyno waqooyiga gobolka,laakiin ciyaar kasta waa khatar.

Haddaba Akhyaartay aniga oo aan halkan ku soo koobin Karin tababarayaasha oo dhan,ayaa hadana xusid mudan guruubka loogu magac darey (Group Of Death) oo ah Group-G-Germay,Portugal,Ghana iyo USA.

W/ Qorey Jaahuur

xiddigaha.ca

jjaahuur@hotmail.co

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line