• Xafladii xiritaanka cayaaraha todobaadka Soomaalida UK

 

Habeenimadii Axadda waxaan lagu qabtey hotelka Gloucester xafladii sagootinta koobka Somaliweek iyo ciyaartooydii hore ee London 2012, waxaana si weyn oo qurux badan u soo camirey bahda isboortiga Soomaaliyeed ee degan dalkaan Ingiriiska iyo wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika,kuwaasoo isugu jirey kuwii hore iyo kuwa cusub, fanaaniinta Soomaaliyeed ee degan magaalada London,goobtana waxaa iiga muuqanayay in reer London ay isku raaceen in hore loo socdo oo aan dib loogu laaban kale qaybsanaan iyo tafaraaruq.

Xaflada waxaa furey Gudoomiyaha Somaliweek iyo Ciyaartooydii hore Macalin Shiino Guhaad, isagoo ka warbixiyay sidii ciyaaraha ku soo bilaawdeen iyo sidii ay ku soo dhamaadeen, islamarkaana wuxuu cadeeyay xaalada kale guurka sidii looga gudbi lahaa, markaas kadibna waxaa hadley aqyaarta isboortiga kale ah: Axmed Nuur Sayga Ruushka,Maxamed Ismaaciil,Dr.Cunaaye.Cabdiraxmaan Matiita. Adame Xirsi Jaangoan.Garsoore Maxamed Muqtaar,Cabdicasiis Giftin.Xasan Islow ”Shiine”.Qaluu Salaama.Baana Cali. Cabdullahi Yusuf. Saadaq Ducaale,Digeeye,Dhumaaye.Maxamed Cali,Maxamed Khaliif.Carabey.Buuwe iyo Garsoore Caddaay,kuwaasoo hadalo qiimo badan ka jeediyay, hoostana ka xariiqay in hore loo sii socdo oo aan dib loo laaban, isboortiguna yahey kan bulshada isku keena, waxay hambalyo u direen dhamaan kooxihii ka soo qayb galey sanadkaan.

Markaas kadibna waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay abaalmarinadii loogu talagaley ciyaartooydii kaalimaha wanaagsan ka gashey koobka Somaliweek iyo ciyaartooydii hore, kuwaasoo halkaasi kaga gudoomay lacago hadiyad ah uu ugu deeqay dhiirigaliyaha isboortiga Soomaaliyeed garsoore Cabdulqaadir Maxamed Ibrahim ”Caddaay, waxaana hadiyadaasi bixiyay Sayga Ruushka oo gudoonsiiyay Simon, Maxamed Ismaaciil oo gudoonsiiyay Qadar iyo Xasan Shiino oo gudoonsiyay Diinoow.

Markaas kadib waxaa iyana hadiyo la gudoonsiiyay dadkii shaqada wanaagsan ka soo qabtey tartanka sanadkaan, kuwaasoo kale Black.Mustaf Farey, Fooqa iyo wiil yar oo reer Southall ah . Dhagaweyne iyo Yasir, Isloow.Baafo.Seef. Wiish sspamedia.Garsoore .Caddaay.Macalin Shiino.

Waxaa kale joogay gabdhihii hore kubadda koleyga ayna hogaamineysay Miski Cumar.Zamzam, Naleey,Siciido iyo gabdho kale oo farabadan oo aanan magacooda helin.

Waxaa halkaasi ka hadley gabagabadii xaflada gudoomiyaha Jaaliyada isboortiga mudane Dahir Cali Kulmiye, wuxuuna ka mahadceliyay sidii wanaaga badneyd ee xafladatan looga soo qayb qaatey iyo sidii looga wada shaqeeyay cayaarihii London lagu qabtey.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi lagu soo xirey barnaamijkii, kadibna waxaa la guda galey dhankii fanka iyo bashaalka reer London, iyadoo ay halkaasi heeso lala dhaco ay ka soo jeediyeen Fanaaniinta kale ah Sayid Khaliifa, Xuseen Shire,Cabdullahi Weheliye iyo Yaska, goobta hala weyneeyo ayaa ka dhacdey ciyaartooydii hore wiilal iyo gabdho iyo dhalinyaradii kooxaha ee koobka ka soo qayb galey dhamaantood garbo siman ayay bashaalka dhinacooda ka wada galeen.

Run ahaantii xaflada kadibna waxaa halkaasi wareysi kale duwan ka soo qayb galayaasha kale yeeshay Somalichannel TV .Universal TV iyo STN TV.

Xafladiina waxay ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley waxaana maamulayay Gudoomiye Cabdi Axmed,Xoghaye Cabdirashiid Isloow.Keytoon oo xiriirinta qaabilsana iyo Xasan Jabiiba oo ka socdey SSPAMEDIA dhanka Screen support. sawir qaade Buuwe iyo Yusuf Yusuf.

W/D: Yusuf Yusuf

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line