• Olympic Africa iyo Barcelona Fc oo si rasmi ah u dhaqan geliyey Xarunta cusub ee Soomaaliya

Iyadoo Gudiga Olombikada Caalamiga IOC oo kaashaneysa qeybta OlymAfrica caasimadda Soomaliya ee Muqdisho usoo dirtay Qabiir dhinaca Kubadda Cagta tababarayaasha ah,ayaa waxaa maanta lasoo xirey tababarkii macalimiinta dugsiyada ee mudada sadexda cisho uga socdey xarunta Cusub ee soo saarista ciyaartoyda Da’yarta ee Dugsiga Djabuuti.


Xafladii gabo-gabada ayaa waxaa kazoo qeybgaley wasiirka wasaaradda Sportiga iyo dhalinyarada Dr.Khaalid Cumar cali iyo agaasimaha wasaaradaasi,Madaxda GOS, madax kala duwan oo ka socotey hey’adaha Sportiga iyo qaar katirsan ciyaartoydii hore ee dalka ayaa goob joog u ahayd munaasabadda oo ka dhacdey Hotel shamo ee Muqdisho.
Mamadou Sambe Mansour oo ahaa khabiirkii ka socdey OlympAfrica ee tababarka bixinayey ayaa halkaasi ka sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in tababarayaasha Somalia ay ka faaideysteen mudadii sadexda cisho tababarkii sida tooska ah ee afka iyo gudaha garoonka ugu siinayey,wuxuuna aad u amaanay Madaxda GOS iyo dhamaan intii gacanta ka geeysatay mudada uu socdey.


“Maanta Alle ayaa mahad celin iga Mudan oo inoo suurta geliyey in Xaruntii ugu horeysey sanadkaan 2014 ee qaaradda Africa ay Somalia ka hirgashey,OlympicAfrica iyo Barcelona ayaa iska kaashadey howshan,aniga Muqdisho waa markii iigu horeysay runtiina waxaan arkey aragti ka duwan wixii laga sheegayey,aad ayaan uga helay soo dhoweynta iyo is qadarinta walaaltinimada,Muslimnimada iyo Sports jaceylka ku dheehan ee aan arkey”ayuu raaciyey Mamadu oo u dhashey dalka Sinigal.


khabiirka oo si weyn ay uga faaideysteen tababarayaashii 30-ka ruux oo isugu jirey rag iyo Dumar ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan Somaliya ay amaan teeda leeyihiin oo uu uga mahadcelinayo Gudoomiyaha GOS Abdullahi tarabi iyo Xoghayaha Duraan Faarax oo uu xusey in tan iyo 2003 ay xiriiro aan kala joogsi lahayn oo ay kaga codsanayaan hergelinta mashruuca IOC ay wadeen ugu danbeyntiina lagu guuleytey.


Waxaa uu balan qaadey inuu dib ugu soo laaban doono dalka,isla markaana uu doonaayo inuu Sportiga Somaliya uu ku sameeyo horumarin la taaban karo,maadaama buu yiri aynu nahay dad walaalo ah oo misana Muslim wada ah.
C/laahi Axmed tarabi Gudoomiyaha GOS ayaa halkaasi,uga mahadceliyey qabiir mamadu oo uu sheegay inuu gacanweyn Somaliya kusiiyey taaba gelinta mashruuca iyo inuu soo saaro tababarayaasha Da’da yar isagoo kula dar daarmey 30-ka xubnood ee dhameysatey tababarka inay ku dadaalaan sidii jiilka yar yare e Soomaaliyeed loogu faaideyn lahaa Sportiga.
Wasiirka Wasaaradda Sportiga iyo dhalinyarada Dr.Khaalid Cumar Cali ayaa halkaasi ka sheegay in mamadou uu yahay geesi,ku dhiradey inuu aamino nabadda dalkeena kajirta sida uu yiri.


Dadku hadii aysan xaqiiqda soo arkin waxaa ay qaadanayaan wixii l sheegay,waxaa jirta in imaanshaha dalka qabiirkan oo tababarka siiyey Macalimiinta ay fure u noqon donto in xitaa kooxaha ka dhisan dalka dibadiisa Soomaaliya lagu martigelin doono,taasina wasaaradiisa ka shaqeyn doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.
“waxaanu ognahay in Bahdaan Olombikada iyo xiriirada jirey ay kusoo shaqeeynayeen xaaladao adag,sababtoo ah ma aysan dooneynin dhaqalle ee magac ayey raadinayeen,waa ay ku mahadsanyihiin sida ay ugu soo dhabar adeegeen”ayuu yiri isagoo u mahadceliyey Qabiirka reer Sinigal.


Waxaa halkaasi lagu bixiyey shahaado sare iyo funaanadda ay iminka ku ciyaarto kooxda Barcelona oo la gudoonsiiyey dhamaan ka qeybgalayaashii tababarkaasi,iyadoo sidoo kale Madaxa Xarunta Cusub ee Horumarinta Sportiga la gudoonsiiyey Cumpuyuter cusub oo uu ugu deeqay Mamadou.
C/Xafiid Zaciimka
Waaxda Warfaafinta ee GOS

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line