• Xiddigaha oo isu darsatay koobkii Dahir Gacmey & Isomarey Cup

Kooxda dhallinyarada cuslaatay ee xiddigaha ayaa ku guuleysata koobkii waqtiga kuleylaha ee magaalada Toronto. Ciyaartii finalka ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Seif iyo Xiddigaha.

Labadani kooxood ayaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta isla dhaafiyo waayey 1-1. Intaa kadib waxaa loo dhigay rigooreyaal "Penalties". Rigooreyaashan ayaa waxaa 3-2 ku guuleysatay Xiddigaha oo halkaasi ku qaaday koobkaasi oo sannadkan loogu magac daray AUN Isomareey.

Dhanka dhallinyarada ayaa iyaguna waxaa ciyaarta finalka wada ciyaaray kooxda Xiddigaha iyo Down town. Ciyaartan oo aad iyo aad u xiiso badnayad ayaa 6-5 ay guusha ku raacday xiddigaha oo la hooyatay koobkii waqtiga kuleylaha oo sannadkani loogu magac daray AUN Dahri Gacmey.

Kooxda Xiddigaha ayaa sannadkani Record cusub Toronto ka dhigtay iyadoo noqotay kooxdii ugu horeysay oo dhallinyaradeeda iyo odeyaasheedaba ay hal maalin labadii koob ku guuleystaan.

Waxaa garoonka aad u soo camiray taagereyaasha xiddigaha oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur intaba, iyagoo halkaasi sawaxan iyo qeylo la garab istaagay kooxooda

Maqaalkani oo maqal iyo muuqaal ah halka sare ka daawo

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line