• Xiddigaha oo 4-2 Ku Kala Dirtay Horseed

Waxaa magaalda Toronto ciyaar saaxibtinimo ah ku wada ciyaaray dhallinyarada ay da'dooda ka hooseyso 13 jir (U13) ee kooxda Horseed iyo Xiddigaha.

Waa markii ugu horeysay ee kooxdan Xiddigaha ay ciyaar saaxibtinimo ay la yeshaan koox kale tan iyo markii la aas'aasay oo ah December 2013.

Kooxdan waxaa tababare u ah xiddighii hore ee lambarka 9aad ugu ciyaari jiray kooxda Jubbada Hoose Kismayo Tababare Hamada.

Kooxda Horseed ayaa iyadana waxaa gacanta ku haya Xassan Xarbi oo ahaa xiddighii iyo kabtankaii kooxda cawo iyo maalin Horseed.

Bilowgii ciyaarta waxaa gacan sareeysay kooxda Horseed oo ciyaartooydooda ay saanta si fiican isula helayeen. Habka ay u ciyaarayaan kooxdan oo ah isku dhii dhiib (isii aan ku siiyo) ayaa waxaa markiiba ka dareemeysa inuu tababare u yahay Xarbi oo isaga jecel inuu sidaasi u ciyaaro markuu garoonka ku jiro.

Ciyaarta markii ay socotay 5 daqiiqo oo keliya ayaa kooxda Horseed ay gool ku hormartay, inkastoo goolkani uu iska dhaliyay ciyaartooyga difaaca ugu ciyaarayay Xiddigaha.

Kooxda Xiddigaha ayaa markii goolkani lagaga hor maray ay hurdada kasoo tooseen iyagoo weerar aan kala go' lahayn kusoo qaaday goolka Horseed ilaa ay ka dhaliyaan goolkii bar bar dhaca.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa tababare Hamada uu wax ka beddelay qab ciyaareedka kooxdiisa, iyagoo garoonka la soo galay fir fircooni dheeraad ah.

Yasir oo garoonka soo galay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kubad qurxoon u soo dhigay walaakiisa Saabir, isgana uu halkaasi kubada shabaqa ku hubsaday.

Ciyaartooyga lambarka 10aad ugu ciyaarayay kooxda Horseed oo ah ciyaartooy ay farsamadiisa aad u sareyso ayaa intuu kubadda si fiican usoo farsameeyay goolka hortiisa soo dhigay, ciyaartoyga labamarka 9aadna uu shabaqa sii geliyay kubadda.

Ciyaarta markii ay mareyso 2-2 ayay aad u sii kululaatay iyadoo taageereyaasha labadan kooxoodba ay sacab iyo qeylo aan kala go' lahayn halkooda ka sii waday.

Markii ayaa ciyaarta ka harsaney 6 daqiiqo ayaa Yasir Hamada uu gool cajiib ah kooxdiisa u dhaliya. Dhamaadkii ciyaartana Xiddigaha waxay dhaliyeen goolkii 4aad.

Ciyaartani ayaa waxay kusoo gaba gabowday 4-2 oo ay guusha ku raacday Xiddigaha.

Garoosraha ciyaartani ayaa wuxuu ahaa Xiddighii horee ee kooxda Isnay (Jowhar) Cali Muudey oo si fiican u dhex dhexaadiyay ciyaarta

Ciyaartani ayaa waxaa ka soo qeybgalay waalidiinta ciyaartooydan iyo qaar kale oo islahaa bal kooxdani cusub ee xiddigaha maxay la soo shir tagi doonaa.

Waxaa la filayaa in ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 11 jir (U11) ee labadan kooxood ay wada ciyaari doonaa Todobaaka soo socda insha allah.

Guddigah Xiddigaha waxay u mahad celinayaa dhamaan Guddiga Horseed oo garoonkooda si fiican ugu soo dhaweeyay

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line