• Winter Cup 2015

Waxaa magaalda Toronto ka furmay koobkii la magac baxay Winter Cup 2015.

Tartankani kubadda cagta ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay kooxda Xiddigaha (All Stars).

Tartankani ayaa waxaa ku loolami doonaa affar kooxood oo midkiiba ka kooban ciyaartooy ay da'dooda ka hooseyso 11 jir "U11", 13 jir "U13" & 15 jir "U15".

Afartani kooxood ayaa waxay kala yihiin Black Stars, Red Stars, Blue Stars iyo Yellow Stars.

Furitankii ciyaarahan ayaa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Cabdulqadri Yuul oo ka mid ah tababareyaasha kooxda Xiddigaha.

Mr. Yuul ayaa dadweynihii kasoo qeybgalay si weyn ugu sharxay tartankani Winter Cup 2015 iyo weliba ulajeedada ka dambeysa.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ereyo guubaabin ah halkaasi ka soo jeediyay Macallim Bruno, Aaw Baari, Abdirashid Bakin iyo Da'uud dheere.

Xafladii furitaanka ee tartankani oo maqal iyo muuqaal ah halka sare ka daawo

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line