• Xiriirada Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Masar oo wada shaqeyn ku balamay


Iyadoo Kubada Koleygu ay ka mid tahay xiriirrada Isboorti ee ka Jira soomaaliya oo iminka dib usoo kab-sashada sameynaya, kaddib dagaalo muddo dheer dalka ka jiray, ayaa xiriirka soomaaliyeed ee kubada koleyga waxaa uu heshiis wada shaqeyneed la gaaray dhigiisa dalka Masar, iyadoo sidoo kalana guddoomiye ku xigeenka xiriirkan Marwo Xaawo Sheekh Axmed taako ay wada hadal la yeelatay madaxda ururka kubada Koleyga Carabta.
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga ugu qaabilsan dhinacyada horumarinta iyo farsamada Marwo Sheekh Axmed (Xaawo taako) muddo dheerna ka mid ahayd qaranka Soomaaliya, oo hadana dadweynaha Soomaaliyeed ay ku tilmaamaan xiddigta ifeysa ee usoo baxday kubada Koleyga Soomaaliya,ayaa waxaa todobaadkan ay magaalada Qaahira kulan kula qaadatay madaxda ugu sareysa xiriirka kubada Koleyga dalka Masar.
Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa labada dhinac ay uga hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn joogto ah oo dhinacyo kala duwan leh.
“Intii aan booqashada ku joogay xarunta xiriirka kubada koleyga Masar ee magaalada Qaahira, waxaan kulan dheer la qaatay guddoomiyaha kubada Koleyga Masar Mr Magdy Abo-frekha, ku xigeenkiisa Al Haji. Mohamed iyo Mr Khaled El-Koussy oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka kubada Koleyga Masar, waxaana go’aaminay in labada dal ay yeeshaan iskaashi ka bilaabanaya cayaaro saaxiibtinimo oo labada dal dhex mara—arrinkaas waxaan u gudbin doonaa guddiga fulinta xiriirka kaddibna wada shaqeyn dhinacyo kala duwan leh ayaa halkaa ka bilaaban doonta kaddib marka gudoomiyeheena Cadaani iyo Guddoomiyaha xiriirka Masar ay si kama dambeyn ah wax isula meel dhigaan”ayay Marwo xaawo taako ku sheegtay war saxaafadeed ay maanta kasoo saartay xafiiskeeda.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kaddib muddo dheer oo Soomaaliya ay maqnayd uu hada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga doonayo in uu dib u dhiso xiriirkii wada shaqeyneed ee kala dhexeeyay wadamada caalamka, talaabadaas oo ka caawin doonta Soomaaliya in kooxda qaranku ay hesho fursado ay cayaaro saaxiibtinimo ugu aado dalalka kale ee xubnaha ka ah FIBA, si xulka qarankuna ay uga helaan waayo aragnimo dheeraad ah.
“Ka hor burburki dalkeena ku dhacay, Waxaa Soomaaliya ay ahayd dal sumcad weyn ku leh kubada koleyga marka loo eego dalalka kale ee Afrika, laakin 22 sano kaddib dhibaatadii nagu dhacday, hada waxaan ku dadaaleynaa in aan sameyno dib usoo kabsasho deg deg ah”ayay war saxaafadeedkeeda maanta ku sheegtay hormuudka hablaha kubada koleyga dalka Soomaaliya Maro Xaawo Sheekh Axmed Taako.
Dhanka kale Marwo Xaawo Taako ayaa qadka teleefonka wada hadal kula yeelatay xoghayaha guud ee ururka kubada Koleyga carabta Mr. Hanafi Abu Dhalha oo sheegay in uu aad ugu faraxsanaa dib u bilaabida xiriirka buuxa ee xaga wada shaqeynta ah ee ay la yeelanayaan Soomaaliya.
“Qorshaha safarkeygu waxaa uu ahaa in xafiiskiisa Qaahira aan kula kulmo xoghayaha guud ee xiriirka kubada Koleyga Wadamada Carabta Mr. Hanafi Abu Dhalha, hase ahaatee safar deg deg ah oo aan horay loosii shaacin ayuu ku baxay, taas ayaana keentay inaan telefon ku wada hadalno, wuxuuse aad u amaanay dadaalka aan ugu jirno dhidiba u adkeynta kubada koleyga Soomaaliya, kaddib sanado fara badan oo dib u dhac uu jiray”ayay war saxaafadedkeeda ku sheegtay hormuudka hablaha kubada koleyga Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka xiriirka Marwo Xaawo Sheekh Ahmed taako.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa u mahad celisay Enjineer Bana Ali oo ka tirsan ururka kubada koleyga bariga iyoi Bartamaha Afrika, oo ahaa isku xiraha xiriirka kubada koleyga Soomaaliya iyo masuuliyiinta ay guddoomiye ku xigeenku la kulantay.
Tan iyo intii xilkan loo doortay ku dhawaad muddo sanad ah, ayaa guddoomiye ku xigeenku waxaa ay si weyn u dar dar gelisay howlaha kubada koleyga dalka Soomaaliya gaar ahaana dhanka horumarinta xiriirka wada shaqeyneed ee Soomaaliya kala dhexeeya bahweynta kale ee kubada koleyga caalamka, iyadoo sidoo kalana arrimaha farsamada ee gudaha wax badan ka qabatay, tasoo keentay inay hambalyo iyo bogaadin is daba joog ah kala kulanto taageerayaasha kubada koleyga Soomaaliya.
Howlahan is daba jooga ah ee Marwo Xaawo taako ay ku mashquulsan tahay ayaa waxaa ay qeyb ka yihin fulinta amarkii kasoo baxay guddoomiyaha xiriirka kubada koleyga Soomaaliya Mudane cabdullaahi Nuur Cadaani oo ahaa in masuul kasta uu muddo kooban gudeheed la yimaado astaamo cadyen u ah in uu kasoo dhalaalay howshii loo idmaday, maamulka sare ee xiriirkuna uu hadba xubnaha xiriirka ku kala qeiimeyn doono sida ay ugu kala horeeyaan, howl-fulinta, kartida wax qabad iyo u ja-jabnaanta kubada koleyga, taasoo durbaba Xawo Taako hada loo aqoonsaday mid guulo waaweyn kasoo hoysay howlihii loo xil saaray iyo waxyaabo kale oo dheeri ah oo ay qabatay.
By Shaafici Muxuyadiin
Email:shaficiislow@yahoo.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line