• Xulka Somali U-23 oo 1-0 kaga badiyay xul Ajaaniib ah

(Mogadishu) 21 April 2015- Xulka kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay isku-tijaabiyey koox cayaaryahano Ajnabi ah,iyadoo xidigaha xulka junior ee isku-diyaarinayey cayaaraha caalamiga ee Olympic Games 2016 ay garoonka Stadium Banadir 1-0 kaga badiyeen koox xidigaha Ajaaniibta ah ee u dheesha kooxaha dalka.

Kulanka sxbtinimo ee xulka Somali U-23 la qaateen Xidigaha Ajaaniibta oo shalay dhacay ayaa ugu danbeeyey kulamadii Tijaabada ee ay xulka isugu diyaarinayeen Isreeb-reebka 2016 world Olympic Games iyagoo u ambabixi doona Berito dalka Rwanda si ay ula soo yeeshaan kulan lugta koowaad oo ka dhici doona April 25 magaalada Kigali

.

Xidigaha Junyerska Ocean Stars ayaa goolka qura ee ay kaga badiyeen Kooxda Ajaaniibta waxaa u saxiixey laacibka No 10-aad ee Mohamed Ali Ibrahim (No 10) daqiiqadii 85th.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta, Abdiqani Said Arab, ayaa kulankaasi kadib sheegay in Somalia ay markii ugu horeysay ay marti gelisey oo ay gurigeeda kula dheeshay koox dibadda ah,sanado badan kadib,tanina ay muujineyso in xulka mustaqbalka dhow ku guuleysan doono inuu martigeliyo cayaaraha Home-ka ah.

Dalka Somalia, ayaa waxaa iminka ku sugan ku dhowaad 20 ciyaaryahano ajnabi ah,kuwaasoo ka yimid dalalka Kenya, Uganda iyo Nigeria una dheela kooxaha dalka.

W/Q: C/xafiid Zaciimka

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line