• Xulka Futsal-ka Soomaaliya oo ka qeyb galay Sologne Cup 2014

Waxaa Magaalada Romorantin - Lantherey ee dalka France lagu soo gaba-gabeeyay koobka cayaaraha futsel-ka ee (Sologne Futsal Cup 2014) kaasi oo ay ka qeyb galeen Xulka Qaranka Futsal-ka Soomaaliya, Qaranka Futsel-ka Morocco, Qaranka Futselka France iyo iyo koox ka socotey Centre.

Duqa magaalada Romorantin iyo madaxa qabanqaabada koobka Sologne Futsal Cup 2014 Mr.Mikael, ayaa Galabnimadii Sabtida Magaalada Romorantin - Lantherey ee dalka France kusoo dhaweeyay kooxihii ka qeyb galaayay Tartankaasi, waxaana habeenimadii sabtida garoonka futselka ee kooxda Romorantin Futsal ka furmey cayaaraha Sologne Futsal Cup 2014, kaasi oo kulankii ugu horeeyay ay isku arkeen xulalka France iyo Somalia.

Cayaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa qeybtii hore waxa ay kusoo idlaatay 3 goal iyo waxba oo ay hogaanka hayeen kooxda France, kuwaasoo helay labo rigoore, balse nasiino iyo wadatashi kadib, markii la isku soo laabtey ayaa xulka Soomaaliya waxa ay 3 goal oo xariir ah ku hubsadeen shabaqa xulka France, taasoo qalqal ku abuurtey kooxda Faransiiska oo lagu dheelayay wadankooda, kuwaasoo taageerayaashoodii lahaa La Blue, lagu qasbey inay dhahaan La Somalie.

Kooxda Faransiiska ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay labo goal kale oo midkood rigoore ahaa, ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey 5 goal iyo 3 goal, dadkii ciyaarta daawanayay aad ayay uga heleen in koox Soomaaliya ku dheeleysa ay wadanka France si wanaagsan ula qaybsadeen ciyaarta, kooxdatan ayaa waxaa laga soo xuley wadamada UK, Holland iyo Biljamka, kuwaasoo kale ahaa Warsame Warsame, Guled Yusuf, Maxamed Shariif, Cawaale Faarax, Cabdiraxman Axmed, Maxamed Faarax, Cabdirashiid Ibrahim iyo Cabdalla Jaamac, halka macalimiin ayna u ahaayeen Cabdi Fanaan Xirsi, Cabdisalaam Muumin.

Kooxda waxaa hogaaminaayay oo barnaamijkaan ka soo shaqeeyay mudane Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf, waxaana la socdey Gudoomiyaha Jaaliyada Isboortiga UK, Dahir Cali iyo Gudoomiyaha Somaliweek iyo xisaabiyahooda Cabdi Axmed iyo Cabdullahi Xasan Shiino.

Xulka Soomaaliya ayaa kulankii labaad waxa ay la ciyaareen kooxda Centre Regenionale Selection waxay ku soo dhamaatey 2 iyo 2 goal barbar dhac.

Kooxda Futsalka Somalia waxay muujiyeen karti iyo dadaal dheer, waana markii ugu horeysay koox Soomaali ah oo xul ah ay la dheelaan qaran reer Yurub ah taariikhda, waxaana koobka cayaaraha Sologne Futsal Cup 2014 ku guuleesatay xulka Morocco, kadib markii ay xulka France ku dirtay 6-3.

Sida uu ii sheegay gudoomiyaha Somali Futsal Yusuf Yusuf kadib markii ay cayaarahaan ka soo noqdeen waxaa Xulka Soomaaliya loo ogolaaday in ay ka qayb galaan koobka is reebreebka futsalka aduunka oo lagu wado in uu ka dhaco wadan ku yaala waqooyiga Afrika oo dhawaan la shaacin doono hadii eebe idmo.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line