• Xaggee ay Mareen lacagihii Olympic Solidarity ay ugu Talo Gashay Diyaarinta Zam Zam iyo Moxamed

     

 

Sida aanu ka war qabno beryahaan bahda sportiga Somaliya gaar ahaan iyo shacabka Somaliya guud ahaan  waxey la hadal haayeen ka qeyb galka cayaartoyda Somaliya ugu qeyb gasahy cayaaraha London Olympics 2012.

Waxaa murugo badan leh in afka la marsado kharajkii Olymic Solidarity ugu talo gashay diyaarinta cayaartoyda iyo tababaryaasha ka qeyb galaayo tartanka cayaaraha London Olympics 2012 oo dadka lagu habaabiyo mashquulna laga dhigo waxyaabo kale oo aan micno laheyn sida Cabdi Bile wuu diiday calanka inuu qaadao, hebel iyo hebel is ma salaamin, iyo hebel wuu I haruufay oo sanka buu ii taagay.

Hadaba dhabtu waxey tahay in Olympic Solidarity ay qorsho diyaarisay 2009-2012 ayna ugu talo gashay wadamada ka qeyb galaayo cayaaraha si loo diyaariyo cayaartoyda, Tababarayaasha iyo maamulka ka qeyb galaayo cayaaraha kala duwan sida Feerka, Oradada, Dabaasha IWM:

Breakdown of the 2009–2012 budget
World Programmes                                                         USD 134,000,000
Continental Programmes                                                USD 122,000,000
Olympic Games Subsidies and Forums                          USD   42,000,000
Administration / Communication                                   USD   13,000,000

Total Amount                                                                 USD 311,000,000


Breakdown of the “ World Programmes ” budget
Athletes                                                                          USD 61,000,000
Coaches                                                                         USD 26,000,000
NOC Management                                                         USD 32,000,000
Promotion of Olympic Values                                       USD 15,000,000

Total Amount                                                                USD 134,000,000

Breakdown of the “ Continental Programmes ” budget
ANOCA ( Africa ) – 53 NOCs                                          USD 26,671,000
PASO ( America ) – 42 NOCs                                          USD 21,228,000
OCA ( Asia ) – 44 NOCs                                                  USD 22,257,000
EOC ( Europe ) – 49 NOCs                                             USD 25,089,000
ONOC ( Oceania ) – 17 NOCs                                        USD 14,198,000
ANOC                                                                              USD 12,557,000

Total Amount                                                                 USD 122,000,000

Africa keliya oo ay Somaliya ay ka mid tahay ayaa waxa loogu talo galay 26,671,000 si ay u diyaariso cayaaraha All African Games.

Waxaa Warbixinta Olympic Solidarity ku qoran in cayaartoyda lagu diyaarin karo wadankiisa ama dibada si uu u qaato tababar fiican oo qorsheysan ka dibna ka qeyb galo cayaaraha kharajka ku baxana waxaa bixinaaya Olympic Solidarity .

Haddii ay cayaartoyga Gudiga Olympicada wadankiisa ay doorbidaan iney in tababar lagu siiyo wadanka gudahiisa waxaa loo soo shubaa lacagtii loogu talo galay diyaarintiisa. Sidoo kale tababarayaasha cayaaraha kala duwan iyo maamulka gudiga Olympic-da iyaguna waxaa loo dirayaa Scholarship wadanka dibadiisa si ay u soo qaataan tababaro casri ah.

Hadaba waxaan weydin lahaa Madaxda Gudiga Olympic-da Somaliya iney soo gaaratay qaybtii loogu talo galay cayaartoyda iyo xaga ay martay lacagahaasi? Maxaa keenay in Zam Zam marka ay soo gaartay “Finishing Line” ay dhacdo?
Kharjaka ay ku soo dhoofeen ticket-ka IWM Yaa bixiyay ma GOS, Dowladda Somaliya, Shacabka Somaliya ama Olympic Solidarity?
Waa su’aalo da’a weyn oo u baahan in laga jawaabo. Naga dhowra dhowaan lacagtii Olympic Solidarity ay u soo dirtay GOS inta ay la ekeed iyo warbixintii GOS oo ku aadan habka loo bixiyay lacagtaasi

Wixii faa'faahin dheraad ah halkan hoos Riix(Click)

http://www.olympic.org/Documents/PDF_files_0807/os_2009_2012_en.pdf

W/D Mohamed Ali Haji Shiikhey




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line