• Tartankii 15ka May Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalda London

Tartamo ciyaareed oo lagu maamuusayay munaasabaddii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 may ayaa lagu qabtay magaalada London ee carriga ingiriiska. Tartankaasi isaga ah oo isugu jiray noocyada ciyaareed ee kubadda cagta iyo koleyga ayaa waxaa isku soo abaabulay dad iyagu magac iyo qiimo ku leh isboortiga Soomaaliyeed oo isugu jiray ciyaartooy iyo maamul kuwaasi oo kala ahaa: Axmed Nuur “Sayga Ruushka”,Cabdirashiid Islaw, Cabdullahi xaaji Ereg”Xaaji”,Xaawo Sheikh Axmed”Xaawo taako”,Maxamed Macallin, iyo Maxamed Buuwe.

Haddaba ciyaarahaasi oo socday laba maalmood oo kala ahaa maalinimadii jmcaha oo ay taariikhdu ku beegnayd 15may iyo maalintii xigtay ee sabtida ayaa gunaandkeedu uu noqday sidan:

Kubadda cagta ayaa waxaa ku hardamayay 4 kooxood oo ka tirsanaa dhallintii cayaaraha ka cuslaaday kuwaasi oo kala ahaa: North London, wembley,Streatham iyo Southall.

Kooxahan ayaa iyagu waxaa ay ciyaarayeen ciyaaro is wada arag ah, waxaana ugu dambayntii dhibco ku qaaday kooxdii ka socotay North London oo galabtaasi uu ugu khatarsanaa ciyaaryahankii cuslaaday ee C/llahi Xaaji Ereg”Xaaji” oo isagu ka tirsanaa ciyaaryahannadii kubadda cagta iyo koleyga heerka 1aad ee naadigii Jeenyo.

Dhanka kubadda koleyga waxaa iyaguna foodda is daray kooxda dhallinyarada London iyo kooxda Shifield. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa labada kooxoodba waxaa ay ku soo bandhigeen cayaar aad u hufan oo dadweynihii daawanayay ay aad ugu riyaaqeen. Waxaana ciyaartaasi ay ku soo gabagabowday Kooxda London oo ku badisay 68 dhibcood, halka kooxda shifield loogu awood sheegtay 56 dhibcood.

Kooxda dhallinyarada London waxaa macallin u ahaa : Xaawo Shiikh Axmed ”Xaawo taako” oo ka mid ahayd gabdhihii xiddigaha qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga , halka kooxda shifield uu macallin u ahaa Maxamed Barasaab (boob).

Ciyaarahaasi waxaa garsoorayaal ka ahaa: ku xigeenka guddoomiyaha xiriirka Handball Maxamed handball iyo tababare Xigeenka Xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga C/llahi Xaaji Cilmi ereg”Xaaji”

Daawashada ciyaarahaasi waxaa ka soo qaybgalay oo munaasabaddii xiritaanka goob ka ahaa: Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Duran Faarax, Xoghayaha XSKK Inj,Baana Cabdalla, Rug caddaayadii iyo halgamayaashii isboortiga Mudane C/qaadir I soo mareey, Mudane Axmed Nuur sayga,Axmed Laas,Cali Canshuur,Raage iyo martisharaf kale oo fara badan .

W/D Axmed Xasan


 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line