Tabaraha naadiga Milan Carlo Ancelotti ayaa kula heshiiyay Chelsea inuu tababare u noqon doono xili ciyaareedka soo socda sida ay qortey The Sun. Jariidada ayaa soo xigatay xubno ka tirsan naadiga Milan oo sheegay in milkiilaha Chelsea Roman Abramovitsj uu si toos ah heshiiska ula galay Ancelotti oo hal sano uun kaga harsan tahay qandaraaska uu kula jiro AC Milan. Heshiiskan uu Ancelotti la galay Chelsea ayaa ku kici doono 5.8 milyan oo Pound sanadkii. Chelsea waxaa hada si ku meel gaar ah u tababara Guus Hiddink oo shaqada sii wadi doona ilaa dhamaadka xili ciyaareedka sanadkan isagoo wixii markaas ka dambeeyana xooga saari doono shaqada tababaranimo ee qaranka Ruushka. Milkiilaha Chelsea Roman Abramovitsj ayaa u muuqda in mar kale uu diyaar la yahay inuu lacag badan qarash gareeyo si uu u xoojiyo kooxda waxaana hada u qorsheysan inuu lasoo wareego gooldhaliyaha weyn ee Valencia David Villa sida ay qortey jariidada sumacada leh ee Guardian. Valencia oo ay dhaqaale xumo weyn soo wajahday ayaa dul dhigtay laacibkooda aduun dhan 50 milyan oo euro waxaana lasoo warinayaa in Abramovitsj uu markan jeebkiisa ka bixinayo si uu wejiyo cusub ugu soo kordhiyo kooxda inkastoo uu hore u sheegay in hadii ay kooxda u baahantahay wejiyo cusub ay ku maal geliso lacagaha kaga soo xarooda laacibiinta kooxda oo ay suuq geeyaan. Adriano Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Xidiga weyn ee naadiga Inter Adriano ayaa ku dhawaaqay inuu nasasho ka qaadanayo cayaarta kubada cagta ilaa waqti uusan cayimin isla markaana sheegay suurtagalnimada inuu ka fariisto gebi ahaan maadaama uusan waqti xaadirkan wax xiisa ah u qabin cayaarta kubada cagta.Adriano oo waqtiyadan dambe ay dilootay cabista qamriga isla markaana uu isku buuqay ayaa dhowaan waxaa suuqa lasoo galiyey inuu dhintay markii uu kusoo noqon waayey tababarka kooxda ka dib kulamadii uu usoo cayaaray xulka Brazil isla markaana la waayey meel lagala xiriiro, Adriano ayaa markii ay wararka sheegayey inuu dhintay meel kasta gaareen ka dib kasoo hormuuqday saxaafada isagoo wargeyska Meia Hora ee kasoo baxa dalka Brazil u sheegay inuu bad qabo uuna la noolyahay hooyadiis isagoo sii raaciyey iney jiraan dhibaatooyin kala soo gudboonaaday Talyaniga maalmahan laakiin uusan bixin karin faahfaahin intaas dheer Lamaantii hore ee Adriano Joana Machedao ayaa ku eedeysay Adriano inuu yahay caruur 27 jir ah isla markaana aysan xanaaneyn karin maadaama ay leedahay 2 caruur oo kale sidaa darteedna ay isaga tagtay. Amr Zaki Oo Maalmahan Dhibaato Dib U Dhac Ka Muuqata Xidiga reer Masar iyo kooxda Wigan Amr Zaki oo bilowgii xili ciyaareedkan soo jiitay indhaha kooxo waa weyn iyo taageerayaal badan ayaa hada u muuqda inuu hoos usii dhacayo qaab ciyaareedkiisa, gooldhalintii iyo weliba xushmadii ay u hayeen maamulka kooxda. Zaki oo dardar ku bilaabay waayihiisa cayaaraha dalka Ingiriiska ayaan gool caadi ah dhalin wixii ka dambeeyey Oktoobar sanadkii hore marka laga reebo 3 gool oo rigoore ah isagoo guud ahaan dhaliyey 10 gool. Laakiin Zaki wuxuu bilaabay inuu kasoo daaho waqtiga alamintada iyo weliba inuusan waqtigii loo qabtay kaga soo laaban marka uu waajibaad qaran aado iyo isagoo waqti dambe seecda habeenkii. Macalinka Wigan Steve Bruce ayaa hada sheegay inuu kasii dhamaanayo dulqaadkii uuna weligiis arkin xirfadle leh qaab dhaqanka Zaki wuxuuna sheegay in Zaki u ekeen ciyaaryahan lasoo deynsadey lagana rabo inuu isxoreeyo si uu shaqo joogta ah u helo. W/D Asad A.Omar "afey"
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line   ;
|