Champions League -Aprill-23-2013-xiddigaha.ca-Ottawa-Akhyaartay
qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku miyirsaneynaa afartii naadi ee
iskugu soo hadhay Semi Finalka,oo kala ah Barcelona vs Bayern Munich iyo
Real Madrid vs Durmond.
Haddaba lugtii ugu horeysey oo foodda isla galeen Barcelona iyo Bayern
Munich yey dhirbaaxadu ku dhacdey?
Saaxiibayaal Semi Finalkan oo aynu muddo sugeyney isku naf baxay Bayern
iyo Barcelona ciyaartan oo la wada sugayey waxaa ka soo qeybgaley dadweyne
aad u tiro badan iyo dabacan taageerayaashooda waraabowqaba.
Ciyaartan oo aad u xiisa badneyd ayaa markiiba waxaa jaanta isla heley
Bayern halka aad ay Barcelona ka muuqdey culeys iyo caajis badan,
hadal iyo dhamaantii daqiiqaddii9 25-aad waxaa goolkii ugu horeeyey ee
farxadda Bayern u saxeexay Muller, qeybtii hore ee ciyaarta waxaa kala
nastey 1-0.
Qeybtii dambe ee ciyaarta daawadayaashii ciyaarta ka soo qeybgala iyo
malaayiinkii ka daawanaey Talafishanka waxay islaa hayeen Barcelona waxay
la soo bixi doontaa ciyaartii lagu yaqaaney,laakiin sadaashaasu u mey
dhin sidii la filayey oo waxaa la waayey Barcelona meeley jaan iyo cidhib
dhigtey.
Daqiiqaddii 49-aad goolkii labaad waxaa ku fara yareystey Mario Gomez
kii 3-na waxaa daqiiqaddii72-aad u raaciyey Arjen Robben,kii qalbijabkana
waxaa daqiiqaddii 82-aad ku sagootiyey Muller.
Haddaba dadweynaha ciyaaraha xiiseeya ee dawanayey ciyaarta waxay is weydiinayaan
maxaa ku habsadey Barcelona,ee asxaabtaay bal aynu eegno laugta labaad
iyo meesha ay iskala baxaan.
W/ Qorey Jaahuur
xiddigaha.ca Ottawa
jjaahuur@hotmail.com
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|