Laacibkii Hore ee Xulka qaranka iyo
Naadiga Horseed oo xaflad soo dhawayn ah loo gusameeyay Magaalada
London
Waxaa Bishan
febraayo 13 galbeedka magaalada London lagu qabtey casho xaflad sharaf
soo dhaweyn ah oo loo sameeyey cayaaryahan kii hore naadiga Horseed iyo
xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Bile Warsame Dhoore.
Bile oo ku nool wadanka Canada ayaa safarkiisa waxaa qayb ka ah in uu
gaaro wadanka Soomaliya isagoo doonaya inuu gacan ka siiyo hor u marinta
isboortiga guud ahaan, qaasatan kubadda koleygaoo uu doonayo in uu soo
nooleeyo horumarinat kubada kolayga ee gobolada dalka gaar ahaan mamul
gobeleedka Galmudug.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin, ciyaartoy iyo marti sharaf
kale, ayay masiiyiinyii ka soo qaybgashay Bile ugu hambalyeeyeen , dadalka
isboortiga ee uu ka wado cayaryahan kuna dhiiri geliyey in ay gacan kangeesan
donaan howsha adag uu kujiro..
Bile ayaa u ka mahd celiyay soo dhaweynta balaan ee loo fidiyay, isla
markaana waxuu Bile intaa kudaray in uu ku talo jiro in sanadkan cayaaraha
bariga iyo bartamaha africa ee ka dhici doono Bisha May Magaalada Dar
es Salam e ciyaarah Caasiamdadaha in magaalo ka Socoto maamul gobeleedka
Galmudug ay ka qeyb geli doonaan.
Eng Baana Cali oo isagu ka mid ah guddiga fulinta cayaaraha magaalooyinka
ee bariga iyo bartamaha Afrika oo xalfladan ku sugnaa ayaa sheegey in
aad ugu farahsan yahey in isboortiga laga hormariyo isla markaana uu ku
taageeri doono Ka soo qeybgalka cayaaraha magaalooyinka, magaalo kasta
oo soomaali ah, Madaama magaca uu jku taagan yahay uu yahay magac Soomaaliyeed.
Gudoomiye Ku xigeenka XSKK Haawo Sheikh (Xaawo Taako)) oo xaflada ku sugnayd
Ayaa iyadana dhankeed soo dhaweysey howl galada uu Bile ka sameyn doono
Mudug, kuna dhiiro gelisey ka qeyb galka cayaaryaha magaalooyinka isla
markaana ay sheegtey in magaalo kasta oo ka qeyb geli karta ay la soo
xiriiraan XSKK si loogu sameeyo warqada ogolaashaha.
Waxaa kaloo iyadana kelmado gaaban ka soo jeediyey wasiirka isboortiga
Mohamed Abdulahi Nuux oo wada tel kula soo xiriirey in aad ugu farxan
yahey waxqabadka iyo dadaalka at qurbojoogtda ka geystaan horumarinta
isboortiga kuna dhiiro geliyey in ay dadaalka halkas ka sii wadan.
Ciyaartoy Badan oo xiratay Maaliyada xulka qaranka Soomaaliya e kubada
kolayga ayaa horay uga soo baxay gobolda dalka, waxayna tani ku soo beegmaysaa
Xilin guddoomiyaha XSKK Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani uu todoobaadki
hore ka dhawaajiyay inj magaalo kasta oo soomaali ah laga doonayo in ay
soo saarto ciyaartoy dalka iyo dadka anfaca.
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line