• HADDII LAGU SHEEGO WAA LA IS SHUUMIYAA HADDII LAGU SHUUMIYANA WAA LA IS SHEEGAA!
    Awards 2011 - National Ethnic Press and Media Council of Canada
    October 28, 2011

 

Akhriste Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Nin is faanshay waa ri’ isnuugtay”. Sideedaba dadnimadda qofka waxay ku fiican tahay inay bulsho weyntu aragto halkii uu qofku wajiga ku qoran lahaa, “Kaligeey wiil ama kaligeey gabar”. Mohamed Busuri ajar badan Allaha siiyo, wuxuu kaalinta kowaad ugaga jiraa shaqsiyaadka  kooban ee ay daacad ka tahay wax u qabadka bulshadda isaga oo aan marnaba ku salaynaynin qof jecleysi.

Mohamed Busuri oo ah Tafatiraha  Shabakadda www.xiddigaha.ca iyo wargeyska Somali Canadian Times ayaa isagu ku guuleystay abaalmarinta sannadka 2011 “Best Editorial”


Abaalmarinta ayaa waxaa loogu talo galay in sannadkiiba mar la guddoonsiiyo shaqsiyaadka howl la taaban karo ka muujiya dhanka saxaafadda.

Xafladda abaalmarinta ayaa waxaa lagu qabtay aqalka baarlamaka ee gobolka Ontario  “The main legislative building at Queen’s Park”.

Wakiilka boqortooyad Ingriiska ee gobolka Ontario, Mudane David C. Onley, Lieutenant Governor of Ontario, ayaa isaga halkaasi ku soo dhaweeyay dadkii ku guuleystay abaalmarrintan iyo marti sharaftii halkaasi lagu marti qaaday.


Sidoo kale waxaa xafladan ka soo qeybgalay Wasiirka dhallinyarada iyo caruurta Dr. Eric Hoskins, Minister of Children and Youth Services.


Waxaa iyaddana xusin muddan in halkaas lagu martiqaaday laba ka mid ah saaxiibadda Mr. Mohamed Busuri oo kala ahaa laacibkii qaaliga ahaa Mukhtaar Mohamed Ahmed “M. Cutti” iyo Eng. Abdisamed Sheik-Qasim oo isagu ka mid ah “Advisory Board” ka Somali Canadian Times

W/D Abdilatif Sheikh

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line