Waxaa maalinimaddii Sabtida ee bisha May ay ahayd 30 ka ee sannadka 2009 ka dhacay makhaayadda caalamiga ah ee laga wada daba dhacay ee ISTAR RESTAURANT qaddo sharaf loogu sameeyey Naadiga Kubadda Cagta ee la magac baxay DIXON FC ee dhallinta Dixon. Waxaa naadigan lagu aasaasay dhallinyaro aad iyo aad ay xirfadoodu u sareyso aadna u da’ yar isla markaasna ku darsaday akhlaaq iyo kala dambeyn oo uu isku soo ururiyey tababare Abdisamed Sheik-Qasim. Waa dhallinta la rabo mustaqbalka inay gacanta ku dhigaan dhallaanka yaryar ee ku soo badanaya xaafadan Dixon iyo magaaladda Toronto. Waxaa xusid, ammaan iyo ducoba mudan gabadha iyadu loogu magac daray ahna mulkiilaha makhaayadda ISTAR oo ka mid ah waalidiinta degan xaafadda DIXON isla markaasna ka xanuunsatay dhibaatadda haysata ubadka Soomaaliyeed ee degan xaafaddan iyada oo u sameeysay ballan qaadyo ah inay ka taageerto wixii dhaqaale ah ee looga baahdo horumarinta isboorti ee dhallaankan sida lacagaha diiwaangelinta iyo qalabka ciyaaraha ee looga baahan yahay ciyaaraya SOMALIWEEK ee sannadkan 2009 ka. Waxaan la hilmaameynin sida xoogan ee ay u dhiirigelisay dhallintan oo ay wajigooda ka muuqatay farxad iyo reynreyn. Runtii waa talaabo ku dayasho leh. Waxaa iyagana xusid gaar ah mudan guddoomiyaha kooxda Abdikariim Codka (Madaale) oo isagu maalin walba goobjooge ka ah tababaridda dhallintan roob iyo roob la’aanba, Tababarayaasha kooxda Abdisamed Sheik-Qasim, Yusuf Shaqaaq iyo Abdihakim Ottawo iyo waliba taageeraha iyo la taliyaha kooxda xaga farsamadda Macallin Tuke. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|