Waxaa sharaf weyn u ah bahda sports ka ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in Wasiirka Arrimaha Bulshadda ee Maamul Goboleedka Jubaland uu u magacaabay WAKIILKA SPORTS JUBALAND Eng. ABDISAMED SHEIK-QASIM oo ka mid ahaa ciyaartooydii soo martay gobolkaasi jubadda Hoose kuwoodii ugu magac dheeraa uguna waxtar badnaa hadday noqoto barbaarinta caruurta yaryar gudo iyo dibadba kana mid ahaa ciyaartooydii heerka kowaad ee kubadda cagta Soomaaliyeed ee Naadigii Muqdishu isla markaana ahaa Professor wax ka dhiga Jaamacaddii hore Ummadda qaybteeda Waxbarashadda ee Lafole. Warqadda lagu magacaabay ayaa waxay u qorneyd sidan: Magacaabid Xil Wasiirka Arrimaha Bulshadda ee Jubaland markuu arkay aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo masuuliyadiisa wuxuu magacaabay Wakiilka Sports ka ee Jubaland State. Wuxuu u magacaabay Eng. Abdisamed Sheik-Qasim. Wasiirku wuxuu si adag ula dardaarmay masuulka loo magacaabay xilkan ee kor ku xusan inuu shaqadiisa u guto si hawl karnimo iyo daacadnimo leh. Waxaanan u
rajaynaynaa guul iyo shaqo wacan. Wasiirka Arrimaha
Bulshadda iyo Waxbarashadda Waxaa kaloo xusid mudan in Agaasimaha Sports Jubaland State loo magacaabay Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Gobolka Jubadda Hoose Mohamed Mohamud Hassan (Burhan Kuukuyo), Xoghaynta Sports ka Jubaland State na loo magacaabay Ahmed Farah Takhal (Timo-Jilic) oo ahaa Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Gobolka Jubadda Hoose. Labaddan masuulba waxay ka hoos shaqeynayaan Wakiilka Sports ee Jubaland. Website xiddigaha iyo bahda Sports kaba waxay hambalyo u dirayaan saddexdan masuul iyagoo ka filaya inay dib usoo celiyaan sumcaddii iyo karaamaddii uu lahaa sports ka goboladdan.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|