• Ciyaaraha Caasimadaha dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa oo la soo gaba gabeeyey

     

Waxaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu soo gaba gabeeyay Koobkii Ciyaaraha Caasimadaha dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, kaasi oo ay sanadkaan dalka Soomaaliya ugu qeyb galayeen Kooxo ka socda Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.


Tartankaan oo ahaa mid sanad waliba Guddiga Caalamiga ee Xiriirka Kubada Koleyga Africa FIBA AFRICA Zone V, uu soo qaban qaabiyo ayaa waxaa kasoo qeyb galay illaa iyo 8-Wadan oo ku jira Guddigaasi. Inkastoo Kooxaha ka socday Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa Kulamadii ay wada ciyaareen dhamaantood laga wada badiyay ayaa hadana inta ay socotay Tartankaasi waxa ay la imaadeen Ciyaar Wanaag soo jiidatay Kumanaankii ka qeyb galeesay Tartankaasi.

Kooxaha Kubada Koleyga Wiilasha iyo Gabdhaha Dalka Kenya ayaa ku guuleestay Koobkii Sanadkaan ee Ciyaaraha Caasimadaha dalalka Bariga iyo bartamaha Africa.
Kooxda ka socotay Magaalada Hargeysa ee dalka Soomaaliya ayaa dhankooda la guddoonsiiyay Koobka Ciyaar Wanaaga Tartanka Caasimadaha Dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, taasi oo guul weyn u ah dalka Soomaaliya.


Eng. Baana Abdalla Ali oo ka mid ah Xiriirka Caalamiga Afrika ee FIBA ayaa waxa uu sheegay in Guddiga FIBA AFRICA Zone V, dhawaan Qorsheenayaan in ay Booqasho ku tagaal Magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya si ay usoo indheeyaanin sanadka danbe suura gal noqon karto in Tartankaan lagu qabto meel ka mid ah dalka Soomaaliya.


Lama oga in suura gal ay noqon karto Hadal ay Warbaahinta siiyeen Madaxda FIBA AFRICA ee ku aadan in Tartankaan Sanadka danbe lagu qabanayo Meel ka mid ah dalka Soomaaliya iyo in kale.

 


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line