Waxaa magaaladda Garissa booqasho gaaban ku tagtay shabakadda www.xiddigaha.ca iyo Somali Canadian Times waxayna halkaas kula kulatay ciyaartooy weyn oo kamid ahaa ciyaartooydii lixdamaadkii iyo horaantii toddobaatameeyaddii isla markaasna ka mid ahaa aasaasayaashii tartamadda habaysan ee kubadda cagta ee gobolkii Jubadda Hoose ee ay magaalo madaxda u ahayd Kismayu.
Ciyaartooyga aynu ka hadlayno waa Yusuf Ali Bade oo ku magac dheeraa " Yusuf Yare" isla markaasna caan ku ahaa gool dhallinta madaxa. Ragii ay Yusuf isla soo kifaaxeen waxaa ka mid ahaa: Muse Hoolaa, Siyaax, Baaquli, Aweys Jungalo, Zaciimuu, Cabaas, Ali Yare, Bolonyo, Dikri Xaji, Abdiaziz Gulta, Qariidi, Barkan, Diili Mahaadi, Bakari Aliishe, Madi Bana, Boosh, Cafiifi, Binshaakir, iyo rag badan oo aan halkaan lagu soo wada koobi karin, intii dhimatay allaha u naxariisto. Macalimiinta uu aadka u amaanay ayaa waxaa ka mid ahaa Abdulqadir Qariidi oo heer sare gaarsiiyey Kubadda Cagta Gobolkii Jubadda Hoose.
Kooxihii uu Yusuf u soo ciyaaray ayaa waxaa ka mid ahaa: Wakaaladda Muuska, Studente, Warshadda Hilibka iyo Munishiibiyo.
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line