• Kooxda Heegan oo u soo baxday kama danbaysata koobka Gen.Daa’uud

Kooxaha Heegan iyo Horseed ayaa shalay galab ku kulmay lugta labaad ee semi finalka koobka kubadda Kolayga Gen.Daa’uud kulanak ayaa ka dhacay garoonka Wiish stadiom.


Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badn ayaaa waxaa u soo daawshoi tagay dadwaynea aad u fara badan oo ay ka mdid ahaayeen madaxda ugu sareysa isboortiga dalka iyo ciyaartoydii hore caanka ka ahaa gudah
dalka .

Kulanka inta uusan bilaaban waxaa ciyartoyda iyo macamlinta garoonka kula hadlay Maxamed Axmed colow “Xaaji Colow “ oo ah garsoorihii ugu horeeyay ee qaata shahadaada heerka caalami ee kubadda kolayga sidoo kale ah in si wayn loogu darejeeyo isboortiga soomaaliyeed waxuuna kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar wanasgan oo asluub ku
salaysan garsoorkuna uu si cadaalad u maalulo ciyaarata .

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay ayadoo labad koox ay u muuqdan kuwa aanan kala awood badnayn
Kooxda Heegan ayaa aad ugu dadaalasyay in aysan ku harin semi finalka koobkan maadaama ay tahay kooxda difaacanaysa halka kooxda Horseed ay beegsanaysay in ay fiinaalka kula midowdo kooxda I.L.S oo si layaab leh uga soo adkaatay kooxda Dekedaha sidaana ay doonasyay in ay
meesha kabaxdo awoodii Heegan Dekedaha oo wajiyo cusub ay ku kulmaan Fiinaalka koobkan .

Tagerayaasha kooxad Horseed oo duraabno wata ayaa garoonka si wayn uga dhex muuqday
Inta badan labada koox way isku dhigmeen xagga awooda basle shanti daqooqo ee ugu danbasya oo ciyaarta marayso barbaro 50-50 aya wax walba is badaleen kadib markii laba jeesto oo degdeg ah uu ka dhaliyay kooxda horseed ciyaaryaan cali Maxamed Aadan Cali baraawi
oo Heegan u ciyaara sidaana ay hogaanka ciyaarrta kula wareegtay waxaana u suura gashay in ay difaacato hogaankeeda waxayna aakhirki ciyaarta kusoo idlaatay 58 iyo 54 oo guusha ku raacday kooxda Heegan.

Ciyaarta inta ay socotay laba ciyaaryahan ayaa garoonka l aga saaray kuwaas Heegan u ciyaara kadib markii ay galeen shan qalad goolashii ugu badnaa kulanka waxaa dhaliyay Cabdifitaax maxamed mocow “buukaale “ oo namabarka sideedaad u qaata kooxda Heegan oo dhaliyay 11
jeesto iyo laba three taasoo noqonaysa isugayn 28 dhibic.

Dhanka kale waxa shalay la ciyaaray Tartanka Tuurashada Dheer Three Points-ka oo isna la ciyaaray Semi finalki labaad waxaana ku loolamay seddex ciyaar yahan , Yaxye Cumar oo dekdaha u ciyaara Ibraahin Xuseen Nuur “Abaareey”, oo Horseed ah iyo Cabduqaadir Cusmaan oo Olympic Fitness Centre kasocday waxaana fiinaalka Usoo baxay yaxye Cumar oo sedeed tuurasho saxay waxuuna fiinaalak la ciyaari doona ciyaaryahanka ay isku kooxda Yihiin Saciid Maxamed Shiikh Bootaale malinimada jimcaha.

Kulamada haray Maalinimada khamiista ayaa la ciyaari doonaa kulanka Kaalinta sedexaad
Oo ay ku loolami doonaan Kooxaha Dekedaha iyo Horseed.

Kulanka Fiinaalka waxaa la ciyaari doona maalinta jimcaha oo ay taariikhdu ku
beegan tahay 11ka october waxuuna u dhaxayn doonaa kooxaha Heegan iyo
I.L.S.

W/D Xuseen maxamed Hadafow
Xiddigaha, Muqdisho
hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line